taharow (daaw.) Soohyada oo adkaada si dadban waxay ka timaaddaa dhaawac buskooday ama raystay.
taharowga halbowlayaasha (daaw.) Qayb xididka gudihiisa ka mid ah oo adkaatay ka dib markay xayri fariisatay, taasu waxay yaraynaysaa wareegga dhiigga waxayna keenta in xididku xirmo.
tahbiib1 ld tahbiibid. tahbiib2 Ku t.: cid wax inay samayso ku qasbid. tahbiibid eeg tahiib². ld tahbiib¹.
tahdiid U cagajuglayn (cid), u dhaarasho, bajin.
tahlid eeg tahal.
tahliil Biyo quraan lagu akhriyey oo la cabbo ama lagu mayrto si barako ama fayoobi looga helo. ld taxliil².
tahliili U t.: cid tahliil u tufid.
tahliilin eeg tahliili. ld taxliilin.
tahluuko Dhibaato weyn.
tahna Waxyarna; inyarna; inna.
tahniyad Hadallo qof wax uu ku farxo helay loo jeediyo; hambalyo.
tajwiid Cod aad u qurxoon oo quraanka lagu akhriyo.
takar Gendi.
takaradhabad ld takaradabasho.
takaradhabasho eeg takaradhabo. ld takaradhabad.
takaradhabo Xoolo seynta, afka iyo galgalasho takar isaga celin.
takfi Qaniin yaryar, dhiig ku nool ah, boodbooda, oo dharka, furaashyada ama darmooyinka lagu seexdo gala; booddo.
takh1 Badbadka soorta. ld takhid. takh2 Soor karaysa badbadid. takhaatir eeg takhtar. ld dhakhaatiir.
takhallus Ka t.: 1. Cid ama wax khaarijin. 2. Arrin faro ka qaadid.
takhallusid eeg takhallus.
takhantakhayn eeg takhantakhee. ld takhantakhin, tukhuntukhayn, tukhun-tukhin.
takhantakhee Cid iyadoo jeegada la hayo hore u ridid. ld takhantakhi, tukhuntukhee, tukhuntukhi.
takhantakhi ld takhan-takhee.
takhantakhin ld takhantakhayn.
takhantakho Qof isxejinaya oo xoog horay loogu wado, loo harbiyo. ld tukhun-tukho.
takhantakhoo Qof la harbiyay hore u turunturrood. ld tukhun-tukhoo.
page : 14 of 60
<< < 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 > >>