Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: muqmadaysnaan
salow1  1. Wax aasaas leh noqosho. 2. Wax la xaqiijiyey noqosho. salow2  ld salaw². salsal1  Hees awrta loogu heeso. salsal2  U s.: awr u heesid. salsalid  eeg salasal².
saluug1  Qawadidda qof wax la siiyey ka qawado. saluug2  Qof wax la siiyey ka qawadid. saluugid  eeg saluug². ld saluugmo.
saluugmo  Qawadidda wax laga qawado. ld saluugud.
saluugsan  Cid wax la siiyey ka qawadday ahaansho.
saluugsanaan  eeg saluugsan. ld saluugsanaansho.
saluugsanaansho  ld saluugsanaan.
salwi  Nafley salaw ku ridid.
salwid  eeg salaw².
salwin  eeg salwi.
salwo  Nooc cayaarihii hore ka mid ah (batar).
salxaale  (xis.) Shaxan adke ah oo ku soohdimaysan dulo (wejiyo) leh qaab geesoole. Barta ah halka ay iska gooyaan saddex ama wax ka badan oo dulo (wejiyo) ah oo ku yaalla salxaale waxa la yiraahdaa gees, xarriiqda ah halka ay iska gooyan labada wejinna waxa lagu magacaabaa geftin. Salxaalaha simman dhammaan wejiyada waa geesoole simman oo isku sargo'an.
salxanyo  ld salxo.
salxo  Wejiga korkiisa, labada meelood oo kor u jiidan oo aan timaha lahayn ee foodda labadeeda dhinac ku taal. ld salxanyo.
samaacad  Qalab tamarta danab u beddesha tamar jabaq. Waa qaybta ugu dambeysa ee inoo fududeysa maqalka wararka idaacadaha, telefoonnada iwm. Samaacaddu waxaay qabataa shaqo lid ku ah ta maykarafoonku qabto, waxana ay awood u leedahay in baahinta codka kordhiso, gaarsiisana meelo fog. eeg maykarafoon.
samaan1  ld sabaan. samaan2  eeg san². ld samaansho, sami, samo¹. samaansho  eeg samow. ld samaan².
samaanyo  (Waayadii hore) xoolo wiilka dhasha laga bixiyo oo la siiyo dad gaar ah (yibir, caadaqaate).
samad  Suun dun ka samaysan, ballaaran oo haweenku dhexda ku xirtaan.
samaddoon  Nin beel madax u ah.
samadiid  Qof xumokatalis ah.
samadiidnimo  Samadiid ahaansho.
samafal1  Wanaag iyo taageero cid loo sameeyo. samafal2  Qofka u shaqeeya daryeelka beenii-aadamka dartiisa, yareeya waxyeelayntiisa, dib u habeeya sharciyada ku saabsan ciqaabta.
page : 1308 of 1584
<< < 1303 1304 1305 1306 1307 1308 1309 1310 1311 1312 1313 > >>

 

Exit mobile version