Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: muqmadaysnaan
shaambi1  Weel weyn oo dhoob ka samaysan qaab ukumeedna leh iyo dabo dhuuban oo biyaha lagu shubto; aashuun. ld shaambaay. shaambi2  Si aayar ah oo xarrago ku jirto u socosho. shaambin  eeg shaambi². ld shaambis.
shaambis  ld shaambin.
shaambo  1. Dhufashada ay dabada wax ku dhuftaan libaax-badeedka, yaxaaska iwm. 2. Si gaar ah oo lugaha la isugu dhufto marka biyaha gudohooda lagu jiro. 3. Dharka la dhaqayo oo lala dhaco wax adag (dhagax ama qori). 4. Hoore layiig ah, xumbeeya oo jirka, timaha iwm lagu dhaqo.
shaandhayn  eeg shaandhee.
shaandhee  1. Warqado turub baandhayn. 2. Dad jagooyin haya isku beddelid. 3. Wax dulduleel badan u yeelid. 4. Wax kala miirid.
shaandho  1. Isku qasidda warqadaha turubka laysku qaso. 2. Isku beddelidda la isku beddelo dad jagooyin haya. 3. Qalab wax lagu kala miiro. 4. S. ah: wax daldalool badan leh.
shaanis  Nooc ka mid ah siyaalaha turubka loo cayaaro. ld shaanus.
shaankax  Wax bir ku googoyn.
shaankaxan  Wax la shaankaxay ahaansho.
shaankaxid  eeg shaankax.
shaankaxnaan  eeg shaankaxan. ld shaankaxnaansho.
shaankaxnaansho  ld shaankaxnaan.
shaanus  ld shaanis.
shaaqi  Nin shaaqale ah oo dadaal bandan.
shaar  Hu'si gaar ah loo tolay oo leh kulleeti, gacmo, guluusyo la iskula xiro oo dadku qaarka sare ka qaato; shaati.
shaaraq1  S. ah: Qalidda neef ishkin ah la qalo waqti abaar ah si hilibkiisa looga ganacsado. shaaraq2  Neef ishkin ah, waqti abaar ah qalasho si hilibkiisa looga ganacsado. shaaraqasho  eeg shaaraqo.
shaaraqo  Neef ishkin ah waqti abaar ah qalasho.
shaarib  Timaha ka baxa bushinta sare ee ragga korkeeda. ld shaarub.
shaariqid  eeg shaaraq².
shaarub  ld shaarib.
shaaruf  Dufta xoolaha.
shaarug  Digir la dubay oo qolofta laga qaaday.
shaash  1. Timo dhaadheer oo ka baxa qoorta libaaxa lab iwm. 2. Masar sida badan xariir ah, midabbo badan leh oo dumarku madaxa ku xirtaan.
shaashee  Ilmo markaa dhashay shaasho gayeeysiin.
shaasheyn  eeg shaashee.
shaashley  1. (u) Haweenka inta la guursadey. 2. S. ah: naag xarrago badan.
page : 1334 of 1584
<< < 1329 1330 1331 1332 1333 1334 1335 1336 1337 1338 1339 > >>

 

Exit mobile version