shakalid ld sakalid.
shakamad Suun dun bulush ah leh oo fardaha madaxa loogu xiro qurux awgeed.
shakamadayn eeg shakamadee.
shakamadee Faras shakamad ku xirid.
shakhsi 1. Qof. 2. Sh. ah: khaas ah; fardi ah.
shakhsiyad Tayada dadnimo ee qof leeyahay.
shaki1 Dareen qofka ku dhaliya inuu wax xaqiiqdiisa sugiwaayo. shaki2 Wax xaqiiqdooda sugi waayid. shakin ld shakiyid.
shakisan Wax shaki ku jiro ahaansho.
shakisnaan eeg shakisan. ld shakis-naansho.
shakisnaansho ld shakisnaan.
shakiyid eeg shaki². ld shakin.
shalabow Dhacaan cad oo biyo-biyo ah, laga liso geedka baarka, la cabbo oo marka layska badiyo lagu wareero ama lagu sakhraamo.
shalamad 1. Calaamad madow oo candhada idaha ku taal. 2. Gar-basaar yar oo gabdhuhu luqunta ku xirtaan. 3. Maro yar, bul jilicsan leh oo kooraha fardaha la dulsaaro. 4. Qalab yar oo qof socod ku jiro qaato.
shalamad-dhigasho Cid meel deggan oo inta qof u yimaada iskala jooga. ld shalamad-dhigid.
shalamad-dhigid ld shalamad-dhiga-sho.
shalammadle ld salammadle.
shalaw Meel hoos u dheer, ciriiri ah oo wixii ku dhaca sida looga soo baxsho dhib badantahahy.
shalawtir1 Buuxinta la buuxiyo weel wax yar ka dhimanyihiin. shalawtir2 Weel wax yari ka dhimanyihiin buuxin. shalawtirid eeg shalawtir².
shalax Koor weyn.
shalay Maanta maalintii ka horrey-say. ld shalayto.
shalayto ld shalay.
shalfad Cad yar oo maro ah.
shalfo Nabar ku samaysma tagoogta geela afkeeda kore marka shafku xoqo.
shalgad Dhillo.
shallaa Wax tegey ka qoomamayn.
shallaayid eeg shallaa.
page : 1339 of 1584
<< < 1334 1335 1336 1337 1338 1339 1340 1341 1342 1343 1344 > >>