Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: dheg
shaqshaq (2) Wax shaqshaq ku kala saarid.
shaqshaqid eeg shaqshaq².
shar Wax kasta oo samaha ka hor yimaad cawaaqib xumana keena.
sharaab (1) Hoore la cabbo; cabbitaan.
sharaab (2) Hoore cabbid.
sharaabid eeg sharaab².
sharaamiid eeg sharmuuto.
sharabaad Hu'ka samaysan nayloon, cudbi, suuf iwm oo cagaha la gashado, kabahana layska xijiyo; kaalso. ld sharabaaddo.
sharabaaddo ld sharabaad.
sharad (1) 1. Nidar. 2. Xargaha waaweyn ee doonyaha mid ka mid ah. 3. (-dyo/shuruud, m.dh) Heshiis lacag ama wax kale ah oo laba qofood oo wax ku murmay isu dhigtaan. ld shardi, shirad.
sharad (2) Nidar gelid.
sharaf (1) Magac; xurmo; haybad; maamuus.
sharaf (2) Qof xurmayn.
sharafdhac (1) Maamuus xumo qof gaarta.
sharafdhac (2) Cid maamuus jebid.
sharafdhicid eeg sharafdhac².
sharafjab (1) ld sharafdhac¹.
sharafjab (2) Cid maamuus jebid.
sharafjebi Cid sharafteeda wax u dhimid.
sharafjebid eeg sharafjab².
sharafjebin eeg sharafjebi.
sharaq (muus.) Biro laysku garaaco oo muusiko ahaan loo adeegsado ciyaaraha qarkood; yaambooyin.
shararraax (1) Sh. ah: wax midab isku dhafan leh.
shararraax (2) Ku s.: soo bixid (garka).
shararraxid eeg shararrax².
sharatamid eeg sharatan². ld shartan¹(2), shiratan¹, shiratamid.
sharatan (1) 1. Sharad la isu dhigto. 2. ld sharatamid. ld shiratan¹.
sharatan (2) Sharad isu dhigasho. ld shiratan².
sharax (1) 1. Macnaynta wax la macneeyo. 2. Qurxinta wax la qurxiyo. 3. Cayaar daf, durbaan, sacab iyo jiib leh oo ragga iyo dumarku wada cayaaraan.
sharax (2) Wax fasirid.
<< < 1338 1339 1340 1341 1342 1343 1344 1345 1346 1347 1348 > >>

 

Exit mobile version