shito Siil.
shixid ld shaxid.
shixnad (1) Xamuul doon ama markab hal mar qaado.
shixnad (2) Markab, doon iwm xamuul ka buuxin.
shixnadan Markab, doon iwm wax shixnad la saaray ahaansho.
shixnadid eeg shixnad².
shixnadnaan eeg shixnadan. ld shix-nadnaansho.
shixnadnaansho ld shixnadnaan.
shohor Ur xun oo labka nafleydu leeyahay oo la dhibsado; shuruf.
shoob (1) 1. Xarrago; mardaadi. 2. Sh. ah: neef ari ah oo leh qoobab cascas.
shoob (2) Cid mardaadiyid.
shoobid eeg shoob².
shood Weel bir ka samaysan oo badarka iwm lagu beegto, una dhiganta suus barkii (banaadir).
shoofanisam Caadifad muujinayso in qofku uu si daran u aaminsan yahay in dalkiisa iyo dadkiisina ay ka muhiim san-yihiin ama ka fiicanyihiin dadyowga kale.
shoog (daaw.) Xaalad cudureed la socota marka cadaadiska dhiigwareegga uu aad hoos ugu dhaco oo uu dhiiggu gaari waayo soohyada.
shookad 1. Bar yar, cad oo isha dhexdeeda (birteeda) ku samaysanta. 2. ld shooko (2).
shooki Saldhig boolis.
shooko 1. Qalab bir ah oo af godan leh, yaambadana u eg oo geedaha lagu qoro. 2. ld shookad. Yaambo yar oo xooggan oo dhulka adag lagu falo.
shool Faanid (cid).
shoolad 1. Markabka meesha qiiqu ka baxo. 2. Dhuun kasta oo dheer korna u taagan oo qiiqa kor u saarta. 3. Qalab bir ka samaysan, gaas ku shaqeeya oo wax lagu karsado.
shoolid eeg shool.
shoolo Meel loogu dhakado neefka (ugaar) la rabo in la khatalo; shoomo.
shoon Geedo badan oo isku meel ku urursan.
shootoli ld sootoli.
shoox Kalluun yaryar oo cutub-cutub isu raaca.
shooxaad Nooc nibiriga ka mid ah.
shooxo Balli yar oo meel xaani ah ku yaal.
shoqfol ld shaqfal.
show ld sow.
showmadoonto Nooc ka mid ah mariidka oo si deg-deg ah neefka u dila, baadigoobkiisana aan loo dheeraan.
<< < 1353 1354 1355 1356 1357 1358 1359 1360 1361 1362 1363 > >>