silicdilyo Si nacdiir leh oo cid wax loo yeelo. ld silicdilyayn.
silicsan ld silacsan.
silicsanaan ld silacsanaan.
silicsanaansho ld silacsanaan.
silif Caraf ka soo baxda cunto la karinayo.
silifsasho eeg silifso.
silifso Wax urkiisa sanka la raacid.
silig Daliig dheer oo bir ah, oo siyaabo badan loo isticmaalo.
siligle Hab geelu u socdo marka uu seetaysan yahay; sulsul.
siliglee Si siligle ah u ordid (geel).
siligleyn egg siliglee. ld siligleys.
siligleys ld siligleyn.
silikeyt (kiim.) Iskudhisyo tiro badan oo leh ayoonno bireed iyo iskudhisyo silikon-ogsijiin oo kakan. Silikeytyo badan ayaa si dabiici ah ugu jira dhagaxda iyo macdanta.
siliq Balagga digirta marka ugu horraysa ee uu ka soo baxo geyiga.
siliqle Hab uu u socdo neef geel ah oo seeto dheeri ku xiran tahay.
siliqlee Si siliqle ah u socosho (neef geel ah).
siliqleyn eeg siliqlee. ld siliqleys.
siliqleys ld siliqleyn.
siliqsad ld siliqsasho.
siliqsasho eeg siliqso. ld siliqsad, siliqsi, siniqsad, siniqsasho, siniqsi.
siliqsi ld siniqsi.
siliqso Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talag-galay, dhinac ku leh hal dhibic, dhinaca kalena lix dhibcood. ld siniqso.
silis Silsilad yar oo dahab ah, qalin iwm ka samaysan oo dumarku luqun-ta ku xirtaan.
sillan ld silloon.
sillanaan ld silloonaan.
sillanaansho ld silloonaan.
silloon Wax dhaqan iyo dabci aan fiicnayn leh ahaansho. ld sillan.
silloonaan eeg silloon. ld sillaanaan, sillanaansho, silloonaansho.
silloonaansho ld silloonaan.
silqo Nooc kalluunka waaweyn ka mid ah oo midab hurdi ah leh.
page : 1373 of 1584
<< < 1368 1369 1370 1371 1372 1373 1374 1375 1376 1377 1378 > >>