Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: faajafaajo
sinan2  ld siman². sinaysasho  eeg sinayso.
sinayso  Ka s.: sino samayn.
sinbayr  ld simbayr.
sindadabyo  Nooc ka mid ah tabaha legdanka oo qofka inta sinta la saaro la legdo.
sindheer  S. ah: gabar ku jirta da'da 15-18 sano oo aan weli hilibeysan.
sindi  Siyaakhad shunufyo leh, qalin ka samaysan, cududdaha la gashado oo waayihii hore dumarku qaadan jireen.
sindiiq  Qof diimo badan sheegta; gaal; kaafir.
sindiiqnimo  Sindiiq ahaansho.
sineemo  ld shineemo.
siniin  eeg sano.
siniqsad  ld siliqsasho.
siniqsasho  ld siliqsasho.
siniqsi  ld siliqsasho.
siniqso  ld siliqso.
sinjaar1  1. Is-weheshadka iyo wada dhoofka gaadiidka badda. 2. S. ah: deris. sinjaar2  1. Gaadiid badeed si ay isu weheshadaan hal mar wada dhoofid. 2. Deris si wanaagsan ula dhaqmid. sinjaarid  eeg sinjaar².
sinji  1. Aslalkii hore ee laga soo jeeday. 2. Dabci awooweyaasha laga dhaxlo.
sinjibiil  Geedgaab laamo dhuudhuuban iyo caleemo sida kuwa meseggada u baxa leh, kana baxa Afrika iyo Aasiya oo leh bari dhadhan kulul oo cuntada lagu darsado, daawana laga sameeyo.
sinjidhaan  1. Qof aan lahayn wanaaggii lagu yiqiin dadkii uu ka dhashay. 2. Qof xun.
sinjidhaannimo  Sinjidhaan ahaansho.
sinjifaquuq1  Kala soocidda dad midab lagu kala sooco. sinjifaquuq2  Cid midab takoorid. sinjifaquuqid  eeg sinjifaquuq².
sinmid  eeg siman¹.
sinnaan  ld simnaan.
sinnaansho  ld simnaan.
sinni  Sicir; qiime.
sino  Isu galmood ay isu galmoodaan nin iyo naag aan meher isu hayn; macsi.
page : 1375 of 1584
<< < 1370 1371 1372 1373 1374 1375 1376 1377 1378 1379 1380 > >>

 

Exit mobile version