Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: faajafaajo
suubaan2  1. Dhul bannaan oo ciid guduudan oo carro san ah leh oo caws ka baxo. 2. Nooc qorratada ka mid ah oo ku nool dhulalka cadduunka ah. 3. Miraha goosayga iwm oo bisil marka ay wax yar dharaan. suubaan marawaxadeed  (jool.) Tuuridda burburka dhagxaanta ee ka dhasha webi ama farac si degdegsan u qulqulaya. Suubaan marawaxadeed wuxuu caan ku yahay gobollada oomanaha ah waayo waxa jira fatahyo webi oo ka dhasha aago ka soo dega buuraha iyo iyaga oo gura waqtiyada oomanaha; waxayna suurageliyaan samayska suuban marawaxadeed.
suubaansalaax  Cid sasabid. ld suubasalaax.
suubaansalaaxid  eeg suubaansalaax. ld suubasalaaxid.
suubasalaax  ld suubaan-salaax.
suubasalaaxid  ld suubaansalaaxid.
suubban  Wax wanaagsan ahaansho.
suubbanaan  eeg suubban. ld suubba-naansho.
suubbanaansho  ld suubbanaan.
suubbane  Magacyada Soomaalidu Nabi Maxamed (N.K.H.A.) u taqaan mid kamid ah.
suubbi  1. Wax samayn. 2. Wax hagaajin.
suubbin  eeg suubbi. ld suubbis.
suubbis  1. Wax yar oo dheeri ah oo qof wax loo cabbirayo loo raacsho si loogu raali geliyo. 2. ld suubbin.
suubsan  1. Wax samay-san ahaansho. 2. Wax wanaangsan ahaan-sho.
suubsanaan  eeg suubsan. ld suub-sanaansho.
suubsanaansho  ld suubsanaan.
suubsasho  eeg suubso.
suubso  1. Wax hagaagsasho. 2. Wax samaysasho.
suud  1. Wasaq badanaa isugu jirta maduul iyo dufan oo dharka iyo jirka dadku yeeshaan. 2. Naqa ugu horreeya ee roob soo saaro.
suudi  Kul aad u badan oo qorraxeed.
suuf  1. Geedgaab ka mid ah dalagga lagu beero dhulalka kulul oo ubax cad iyo miro kulkulucsan oo marka ay bislaadaan dillaaca leh oo uu ka soo baxo walax cad oo dharka laga sameeyo. 2. Duf cad oo geedka suufku dhalo oo dharka laga sameeyo. 3. Dhogorta idaha iwm oo dharka iyo gogosha qaarkeed laga sameeyo.
suufi  1. Qof aan aqoon u lahayn diinta aadna u jecel. 2. Qof fudfudud oo waxyaabaha uu samaynayo aan ka fiirsan.
suufinnimo  Suufi ahaansho.
suufiyoobid  eeg suufiyow.
suufiyow  Suufi noqosho.
suugaan  1. Hadal tix ama tiraab ah oo murti hugan. 2. Laan aqoonta ka mid ah oo la barto; adab. 3. Naq; doog; cosob. ld soogaan.
suugaanley  Dad suugaanta aqoon u leh.
suugaanyahan  Qofka suugaanta yaqaan ama baara.
suugee  Cunto suugo ku darid.
suugeyn  eeg suugee.
page : 1395 of 1584
<< < 1390 1391 1392 1393 1394 1395 1396 1397 1398 1399 1400 > >>

 

Exit mobile version