Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: fidmawade
taaloognaan eeg taaloogan. ld taa-loognaansho.
taaloognaansho ld taaloognaan.
taaloogo Taaloog samaysasho (qof).
taam T. ah: wax kaamil ah oo aan wax ka maqnayn.
taambuug Teendho.
taamid eeg taan.
taamyeel Wax dhammaystirid.
taamyeelid eeg taamyeel.
taan Ku t.: wax la jecelyahay ku fekerid.
taangi 1. Weel bir ah oo baabuurta ku rakiban oo biyaha, baasiinka iwm lagu shubo. 2. Nooc baabuurta qafilan ee dagaalka ka mid ah.
taani T. ah: qof laf iyo xoog leh.
taano Lacag sarif ah oo shan senti u dhiganta.
taaqo Tabar; awood.
taaqtir Waran weyn, bir dheer oo adag dhexda ku leh.
taar (1) 1. War farriin kooban oo nooc raadiyeyaasha ka mid ah lagu diro. 2. Silig wax lagu oodo. 3. (muus.) Daf afar geesle ah.
taar (2) Rati raran oo taagan wax saarid.
taarad ld taarasho.
taaran Alaab wax la saaray ahaansho.
taarash (1) 1. Qof meel loo diro oo dhanbaaal ama farriin sida; dhanbaalwade. 2. ld tarash. Daliig dharka la huwado ama la guntado dacalkiisa lagu qurxiyo oo marada iyo faraqa u dhexaysa; xiddo.
taarash (2) Maro tarash u yeelid. ld tarash².
taarashid eeg taarash². ld tarashid.
taarasho eeg taaro. ld taarad.
taarid eeg taar².
taarig Qof muslim ah oo aan salaadda tukan.
taariifo Qaymaha badeecadda loo gooyo oo lagu gado.
taariikh 1. Laan cilmi bulshadeedka ka mid ah oo lagu barto dhacdooyinka. 2. Goorta wax abuurmeen ama dheceen. 3. Sanadka, bisha, iyo maalintu inta ay joogaan.
taariikh-nololeed Taariikh nololeed qof ee uu qorey qof kale.
taariikhdii hore 1. (taar.) Waqtigii taarikh bani-aadamka ee hore intii aan jirin wax qoraal ah. 2. Barashada taarikhda waqtigaa, gaar ahaan qodista wixii haraa ah. 3. (taar.) Taarikhada xilliigii hore.
taariikhee 1. (f.g) Wax taariikh u yeelid. 2. (f.mg) Ka t.: wax ka sheekayn.
taariikheyn eeg taariikhee.
<< < 1400 1401 1402 1403 1404 1405 1406 1407 1408 1409 1410 > >>

 

Exit mobile version