dhiirriggelin eeg dhiirriggeli. ld dhiirriggelis.
dhiirriggelis ld dhiirrggelin.
dhiirrin eeg dhiirri².
dhiirro Arrin si geesinnimo leh u qaabbilid (qof).
dhiirtaxaniinyo ld dheertaxaniinyo.
dhiito 1. Neef geela oo cayilan. 2. Finan waaweyn oo dadka ka soo baxa.
dhijaan ld jidhaan.
dhikil1 1. (-lo, m.l) Haruub yar oo caanaha lagu maalo. 2. Nooc cawska ka mid ah. dhikil2 Dhiil yar oo carruurta caanaha loogu shubo. dhil 1. Qolofta kore ka qaadid (miro iwm). 2. Diriqa ka bixin (caw, xaskul iwm). 3. Luumo (galley, haruur iwm) oo isku meel ka baxay qaarkood siibid. 4. Timo qurxiin.
dhilad ld dhilasho.
dhilan1 1. Miro qoloftii iyo diirkii laga qaaday noqosho. 2. Diriqii laga bixiyey noqosho (caw, xaskul iwm). 3. Timo la qurxiyey noqosho. 4. Luumo galley, haruur iwm wax la siibay noqosho si aanay isu gubin. dhilan2 1. Miro qoloftii iyo diirkii laga qaaday ahaansho. 2. Diriqii laga bixiyey ahaansho (caw, xaskul iwm). 3. Timo la qurxiyey ahaansho. 4. Luumo galley, haruur iwm wax la siibay ahaansho si aanay isu gubin. dhilasho eeg dhilo. ld dhilad.
dhildhil Wax finjilid.
dhildhilan Wax la dhildhilay noqosho.
dhildhilid eeg dhildhil.
dhildhilmid eeg dhildhilan.
dhilid eeg dhil.
dhilif Mara yar oo calal ah; duug.
dhililis Mindi aan daab lahayn.
dhiliq ld dhillis.
dhiliqsad ld dhillisasho.
dhiliqsan ld dhillisan.
dhiliqsanaan ld dhillisnaan.
dhiliqsanaansho ld dhillisnaan.
dhiliqsasho ld dhillisasho.
dhiliqsi ld dhillisasho.
dhiliqso ld dhilliso.
dhilis Mindida, masaarta, toorrayda iwm oo aan daab lahayn.
page : 143 of 218
<< < 138 139 140 141 142 143 144 145 146 147 148 > >>