Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: nacaal
tashiil (1) Sahay ama wax kale oo la dhaqaaleeyo si ayan durba u dhammaan; maradhaaro; dhaqaale.
tashiil (2) Wax dhaqaalayn; beekhamayn.
tashiilad ld tashiilasho.
tashiilasho eeg tashiilo. ld tashiilad.
tashiilid ld tashiil².
tashiilo Wax dhaqaa-laysasho.
tasho 1. Arrin go'aan ka gaarid. 2. Ku t.: wax filasho. 3. La t.: talo cid la garabsasho.
tashuumaa Hasha had iyo jeer is nuugta.
tasniif (1) Curinta wax aan hore u jiri jirin.
tasniif (2) Farsamo aan hore u jiri jirin curin.
tasniifid eeg tasniif².
tasoobid eeg tasow.
tasow 1. Baadi wax muddo badan maqnayd noqosho. 2. Nafley dayoobid.
tastuur (1) 1. Xeer ama qaynuun waddan lagu maamulo. 2. Qori kolkol lagu shiraaca lagu xiro oo doonyuhu isticmaalaan.
tastuur (2) Dhaqan iyo dabeecad qof leeyahay. ld dastuur.
taswiir ld masawir.
tatab 1. Joog, dherer. 2. Kobta ay iska galaan bowdada iyo barida.
tataji Cid hore u ridid.
tatajin eeg tataji.
tatoomid ld tantoomid.
tatoomo ld tantoomo.
tatoon ld tantoon.
tatoonyee ld tantoon.
tatoonyeyn ld tantoomid.
tatoonyo ld tantoomo.
taw Cod lagu muujiyo wax degdeg ama dhaqso ah.
tawaad ld dawaad.
tawaan 1. Karti wax lagu bixiyo ama lagu sameeyo. 2. Ujeeddo.
tawaansad ld dawaansasho.
tawaansasho ld dawaansasho.
<< < 1422 1423 1424 1425 1426 1427 1428 1429 1430 1431 1432 > >>

 

Exit mobile version