Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: dulmadow
dhilisnimo  Dhilis ahaansho (mindi iwm).
dhillah  ld dhannax.
dhillannimo  Dhillo ahaansho.
dhillay  Nin naagaha aad ugu mamman; macsilow.
dhillaysad  ld dhillaysasho.
dhillaysasho  eeg dhillayso. ld dhillaysad, dhillaysi.
dhillaysi  ld dhillaysasho.
dhillayso  Macsi sameyn (qof).
dhilli  Mindi, masaar, toorray, iwm daab ka saarid. ld dhilqi.
dhillin  eeg dhilli. ld dhilqin, dhilqis.
dhillis  Mindi, masaar, toorray iwm oo aan daab lahayn. ld dhiliq.
dhillisan  Wax daabkii laga saaray ahaansho (mindi, masaar, toorray iwm). ld dhiliqsan.
dhillisasho  eeg dhilliso. ld dhiliqsad, dhiliqsasho, dhiliqsi, dhilqad, dhilqas
dhillisnaan  eeg dhillisan. ld dhiliq-sanaan, dhiliqsanaansho, dhillisnaansho.
dhillisnaansho  ld dhillisnaan.
dhilliso  Mindi, masaar, toorray iwm daab ka baxsasho. ld dhiliqso, dhilqiso, dhilqo.
dhillo  1. Naag jirkeeda ka ganacsata. 2. Dalagga digirta, meseggada, galleyda marka ay laba dhegood ka yihiin.
dhilloobid  eeg dhillow.
dhillow  Dhillo noqosho (naag).
dhilmaanyo  1. Cayayaan duula, leh afar baal, lix lugood af dhuuban leh oo ay xoolaha iyo dadka dhiigga kaga nuugto. 2. Cudur kaneecada laga qaado; duumo; dhaxan.
dhilmid  eeg dhilan¹.
dhilnaan  eeg dhilan². ld dhilnaansho.
dhilnaansho  ld dhilnaan.
dhilo  1. Sabuul galley iwm qolof ka qaadasho. 2. Caaw iwm diir ka baxsasho. 3. Timo feerasho.
dhilowyahan  Geed yar oo caleemo jilijilicsan leh oo geedaha ku dul baxa.
dhilqad  ld dhillisasho.
dhilqasho  ld dhillisasho.
dhilqe  ld dhiqle.
dhilqi  ld dhilli.
dhilqin  ld dhillin.
page : 144 of 218
<< < 139 140 141 142 143 144 145 146 147 148 149 > >>

 

Exit mobile version