unuunufid eeg unuunuf². ld anaanufid.
uq ld cuq.
ur1 1. Wax sanku jecleysto ama necbaysto ee uu dareemo. 2. Qurun. ur2 1. Dabayl lixdii bilood doc ka timaadda; neecaw; dabayl. 2. Dhanka dabayshu ka dhacayso. 3. ld ur¹. ur3 1. Ur qurmuun yeelasho. 2. U u.: wax nicid. 3. U u.: wax ur qurmuun leh dareemid. uraa Geed-quwaax ur sillan oo aad u lifaaqoon leh: ur cayayaanka iyo bahal-hoosaadka lagu laayo.
uraad Saaca iyo waxtarka daaqu leeyahay. ld urshi.
urdhac Jihada dabayshu u socoto. ld urdhicid.
urdhicid ld urdhac.
urduf Wax tabar daran oo aan muuqaalkiisu fiicnayn.
ureed (baay.) Dareenka urta ama dariiqadda wax lagu uriyo; tani oo lagu helo qaabilayaasha urta ama qaabilayaasha ku jira organnada ureed, sida sanka, kuwaas oo xasaasi u ah hawada ama kiimikooyinka ka dhasha biyaha. Nashaadinta qaabilayaashaasi waxay sababtaa inay u gudbiso wararka maskaxda iyaga oo sii maraya dariiqa dareen wadaha ureed.
urgumo Uurkuhayn; cadaawad.
urgun Hoore adkaaday oo weel salkiisa ku haray, gufar.
uri 1. Wax urkooda dareemid. 2. Wax qurmin. Tus. “Kalluunkii bakhtiyey baddii buu uriyey”.
urid eeg ur³.
urin eeg uri.
uris Cudur carruurta ka ballaariya madaxa.
uriso Wax loo akhriyo in laysku nacsiiyo laba qof oo israbta ama is jecel.
urre Aboorka kiisa labka.
ursad 1. Cudur ku dhaca eyga iyo naasleyda la bahda ah oo ay calaamo u tahay biyonicid iyo laystaannimo. 2. ld ursasho.
ursamo Dabayshu xagga ay u dhacayso.
ursasho eeg urso. ld ursad, ursi.
ursato Cayayaanka jaad ka mid ah oo doorshaanka ka sii yaryar kana fudfudud oo aan wax qaniinin.
urshi ld uraad.
ursi ld ursasho.
ursii 1. Wax ur leh cid sanka u saarid. 2. U ursii: nafley wax nacsiin.
ursiin eeg ursii.
urso Wax ur leh sanka saarasho.
uruf U. ah: qof jin yar oo gaaban.
urug Cudur dadka, xoolaha iyo shimbiraha ku dhaca oo sambabada waxyeeleeya oo xummad badan iyo qufac leh; qaaxo; feero.
page : 1468 of 1584
<< < 1463 1464 1465 1466 1467 1468 1469 1470 1471 1472 1473 > >>