Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: herso
dhoolkaqosol  Ilka caddayn; muusood.
dhoollatus1  1. Isu miciyalisashada awrta qooqan. 2. Xoogga cidi leedahay oo la soo bandhigo si cadowga loogu niyad jebiyo. 3. Fulabbajis; bowdaqaawis. 4. ld dhoollatusid. dhoollatus2  1. Awrta qooqan isu miciyallisasho. 2. Xoogga qolo leedahay muujin, si cadowgu u arko oo u tixgeliyo. 3. Fulabbajin. ld dhoollatuso. dhoollatusad  ld dhoollatusid.
dhoollatusasho  ld dhoollatusid.
dhoollatusid  eeg dhoollatus². ld dhoollatus¹ (4), dhoollatusad, dhoolla-tusasho.
dhoollatuso  ld dhoollatus².
dhoombir1  Nooc ka mid ah buntuqyo. dhoombir2  Geed gaab leh caleemo dhuudhuuban oo faalala iyo bari la cuno. dhoon  1. Haan biyood weyn. 2. Xabag weyn.
dhoondhurwaa  Adaahi.
dhoonhoraad  Haan biyood weyn oo fanhoraadka awrka la saaro.
dhooqayn  eeg dhooqee.
dhooqaysan  Wax la dhooqeeyey ahaansho.
dhooqaysnaan  eeg dhooqaysan. ld dhooqaysnaansho.
dhooqaysnaansho  ld dhooqaysnaan.
dhooqee  1. Biyo calwin. 2. Dhooqa wax marin.
dhooqo  1. Dhoobo aad u qoyan. 2. Wasakh.
dhooqoobid  eeg dhooqow.
dhooqow  Wax dhooqo leh noqosho.
dhoor  1. Daliig timo ah oo carruurta yaryar, madaxa bartankiisa loogu reebo. 2. Carjaw ama baalal kor u taagan oo shimbiraha qaarkood madaxa bartankiisa ku yeeshaan.
dhoorre  Wiil yar oo dhoor leh.
dhoorrey  1. Shimbir dhoor leh. 2. Dh. ah: wiil (ama gabar) yar oo dhoor leh.
dhooy  ld dhoy.
dhooyla'aan  ld dhoyla'aan.
dhooyla'aansho  ld dhoyla'aan.
dhooylaawe  ld dhoylaawe.
dhoqol1  Haruubka dhiisha ilmaha caanaha loogu shubo. dhoqol2  Dhiil yar oo ilmaha caanaha loogu shubo. dhoqor1  Meesha godan ee biyuhu isugu soo ururaan marka roobku da'o ee beertii ka baxda qurunto.
page : 153 of 218
<< < 148 149 150 151 152 153 154 155 156 157 158 > >>

 

Exit mobile version