xammur ld xamur.
xammuul Rar; qaad. ld xamuul.
xammuurad Ciid cas oo dharka cad lagu guduudiyo; sabakh.
xammuuradayn eeg xammuuradee.
xammuuradaysan Wax xammuurad la geliyey ahaansho (dhar).
xammuuradaysnaan eeg xammuura-daysan. ld xammuuradaysnaansho.
xammuuradaysnaansho ld xammuura-daysnaan.
xammuuradee Dhar xammuurad gelin.
xamo Qof maqan xumo ka sheegid.
xamur 1. Geed gobka u eg kase gaaban oo miro laf adag oo la cuno leh. 2. Badar la dubay midkiisa buc-buca.
xamuul ld xammuul.
xamxam ld hamham.
xamxamaa Geed-quwaax xabagtiisa la cuno.
xamxamlee ld ham-hamlee.
xamxamleyn ld hamhamleyn.
xan Xumo ka sheegidda qof maqan (xumo laga sheego).
xanaaji Ka x.: qof in uu xanaaqo badid.
xanaajin eeg xanaaji.
xanaakad ld xanaakadayn.
xanaakadayn eeg xanaakadee. ld xanaa-kad.
xanaakadee Cid xanaakad u jeedin.
xanaanada xoolaha Barashada cilmiga xannaanaynta xoolaha.
xanaaq1 Caro; dhirif; dhiidhi. xanaaq2 Caro muujin (qof); carood; dhirifid. xanaaqid eeg xanaaq².
xanaaqsan Wax caro hayso ahaansho.
xanaaqsanaan eeg xanaaqsan. ld xanaaqsanaansho.
xanaaqsanaansho ld xanaqsanaan.
xanaf Taag taag yaryar oo soofe iwm ay leeyihiin oo dhaawaca wixii lagu xoqo; dardar; xajiin.
xanafi Qof raacsan mad-habta Imaam Abu Xaniifa.
page : 1531 of 1584
<< < 1526 1527 1528 1529 1530 1531 1532 1533 1534 1535 1536 > >>