Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: caynaano
xididi   Xidid ka dhigid (dad); xididnimo ku dhawrid.
xididid  eeg xixid².
xididin  eeg xididi.
xididmaskaxeed  1. Dhuuxa dheer oo lafdhabarta, intiisa kore oo riciraha tunka. 2. Mid ka mid ah sooha cad oo maskaxda, maskaxyarada iyo dhuuxdheeraha, sida say-mo uga kala leexda oo oogada meesheed walba ka iltiran.
xididnimo  Xidid ahaan.
xididshe   (kiim.) Atam ama koox atammo ah oo leh elektroon madi ah (aan lammaanayn). Xididsheyaasha soo-cani aad bay u firfircoon yihiin; waxana lagu dejin karaa ama lagu takoori karaa xaalado gaar ahaaneed oo keliya.
xididxanuun  Xanuun yar oo meel jirka ka mid ah si dabacsan u haya. Tus. “Jaamac waa isjirrisiinayaa ee xididxanuun ma hayo”.
xidig   (baay.) Jidh ku dhex samaysma unugga, marka ay dhacayaan mayoosiska iyo mitoosisku, kaasi oo ka qayb qaata filiqsanaanta koromatidhyada bu'da unugga hooyada.
xidiidin   Meel digdigo ah oo aan geedo lahayn.
xidinxiito  1. Shinbir yar oo af guduudan iyo lugo aad u dhuudhuuban leh. 2. X. ah: qof aad caato u ah. ld xiidxiito, xiito.
xifaalayn  eeg xifaalee.
xifaalee   Cid si kaftan ah wax uga sheegid.
xifaalo  Si hufan oo maad leh oo wax laysaga sheego; kaftan.
xifaalootan  ld xafiiltamid.
xifaaltamid  ld xafiiltamid.
xifaaltan1  ld xafiiltamid. xifaaltan2   ld xafiiltan². xifasho  eeg xifo.
xifo   Si xad-dhaaf ah cunto uga dhergid.
xig1  Xaskul. xig2  1. In yar oo hoore ah. 2. Neef dhawaan la maalay caano yar oo candhadiisa ku soo dhaca. xig3   1. Wax, wax kale u dhowaansho. 2. Xiriir qaraabanimo yeelasho. xigaal  Qaraabo. ld xigaalo, xigto.
xigaalo  ld xigaal.
xigasho  eeg xigo².
xigid  eeg xig³.
xigmaati  Qof xigmad badan.
xigmad   Murti.
xigo1  Geestaan. xigo2   1. Neef dhowaan la maalay mar kale maalid. 2. Hadal, maanso iwm oo horay loo sheegay tixraacid.
page : 1551 of 1584
<< < 1546 1547 1548 1549 1550 1551 1552 1553 1554 1555 1556 > >>

 

Exit mobile version