xisaabiye Qof maamula lacag hay'ad dawladeed, shirkadeed, wakaaladeed ama mashruuc.
xisaabnaan eeg xisaaban. ld xisaab-naansho, xisaabsanaan, xisaabsanaansho.
xisaabnaansho ld xisaabnaan.
xisaabo Wax tirsasho. ld xisaabso.
xisaabsan ld xisaaban.
xisaabsanaan ld xisaabnaan.
xisaabsanaansho ld xisaabnaan.
xisaabsasho ld xisaabasho.
xisaabso ld xisaabo.
xisaabtamid eeg xisaabtan². ld xisaab-tan¹.
xisaabtan1 ld xisaabtamid. xisaabtan2 Laba dhan xisaab meel isla dhigid. xisad Waqti loo qayday cashar-bixin.
xisbi 1. (axsaab, m.dh) Urur siyaasi ah oo loo sameeyey in ay maamul dawladeed ka qaybgalaan. 2. Quraanka oo lixdan meelood loo qaybiyey meel ahaan.
xisbiyiin Xubno xisbi ka tirsan.
xisdi ld xasad¹.
xishmo ld xushmo.
xishoo Dhaqan iyo asluub wanaagsan ku dhaqmid.
xishood eeg xishoo.
xishoodsii Ka x.: cid xishood gelin.
xishoodsiin eeg xishoodsii.
xiskiisan ld xigsiisan.
xiskimi Neef geel ah oo irmaan xiskin gaarsiin. ld xigsimi.
xiskimid eeg xiskin². ld xigsimid.
xiskimin eeg xiskimi. ld xigsimin.
xiskin1 1. Subaxnimada qaybyteeda hore; barqo. 2. (-imo, m.l) Neef geel ah oo la maalay inta candhadiisa caano uga soo dha-cayaan. ld xigsin¹. xiskin2 Hal irmaan oo la maalay waqtigii ay mar kale godlan kari lahayd gaarid. ld xigsin². xisti Sharci bulsho meel ku wada nool u degsan oo aan qornayn. ld xisdi.
xitaa ld xataa.
xobbor Qaarka sare oo horay u gota iin dhabarka gaartay awgeed.
page : 1559 of 1584
<< < 1554 1555 1556 1557 1558 1559 1560 1561 1562 1563 1564 > >>