xuluf Digirta baalkeeda kore.
xulus ld xalus.
xuluul 1. Cawska jiilaalkii xoolaha dhirta hoosteeda looga guro. 2. ld huluul, xaluul. (-llo, m.l./dh) Xuluulasho; dhexgal; huluu-lad.
xuluulad ld xuluulasho.
xuluulasho eeg xuluulo. ld huluulad, huluulasho, xaluulad, xaluulasho, xuluul.
xuluuli Wax xuluul gelin.
xuluulin eeg xuluuli.
xuluulo (xuushay, xuulatay) 1. Meel kayn ah dhexgelid adiga oo is gaabinaya. 2. Irrid gaaban ka hoos dusid. ld huluulo, xaluulo.
xuluushan Wax, wax kale la dhexgeliyey ahaansho.
xuluushanaan eeg xuluushan. ld xuluushanaansho.
xuluushanaansho ld xuluushanaan.
xulxul ld xolxol.
xumaan1 eeg xun. ld xumaansho, xumi. xumaan2 1. Wax wax dhima ama waxyeello leh ama la qoonsado. 2. wax xun ahaansho ama noqosho. xumaansho eeg xumaan.
xumadoon X. ah: qof jecel in arrin laysku haayo xumaani ka dhacdo.
xumaraadis X. ah: qof jecel in xumaani dhacdo.
xumayn eeg xumee. ld xumays¹.
xumays1 ld xumayn. xumays2 1. Cawro; oogada dadka inta la qarsho. 2. Hilbaha inta uurkujirta ah. 3. Xoolaha iyo dadka intooda tabarta yar. xumbayn eeg xumbee.
xumbaysii Ka x.: wax xumbo ka keenid.
xumbaysiin eeg xumbaysii.
xumbee Xumbo yeelasho.
xumbo Xoor; abur.
xumbuse Nooc cawska ka mid ah oo xooluhu daaqaan.
xumee Cid xumo ku samayn.
xumi ld xumaan¹.
xummad Kulaylka jirka oo sarakaca jirro awgeed.
xummad-guduud (daaw.) Cudur si aad ah la isu qaadsiiyo sida badan ku dhaca carruurta, waxaana keena baktiiriyada “streeptococcus”. Waxaana laga qaadaa qof qaba ama qof jeermigu jirkiisa ku jiro oo an bukin - waxaana la isugu gudbiya qufac ama caano jeermigu gaaray.
page : 1568 of 1584
<< < 1563 1564 1565 1566 1567 1568 1569 1570 1571 1572 1573 > >>