Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: teershari
yawyabid eeg yawyab².
yaxaas (c.nafl.) Bahal webiga ku jira oo abeeso-lugaley weynaatay u eg; haraggiisa waxaa kasoo taagtaagan filgimmo geeso u eg oo waa adayg toxob leh; wuxuu leeyahay dabo dheer iyo madax isaguna dheer oo saddexgees qaabki leh; daaman adag iyo af weyn oo ilko ku sarcanyihiin; dadka iyo duunyadaba waa uu cunaa.
yaxdho Hilib.
yaxoob ld yoxoob².
yaxoobid ld yoxoobid.
yaxuus Nin aad u gaboobay.
yaxuusoobid eeg yaxuusow.
yaxuusow Yaxuus noqosho (nin).
yaxyax (1) 1. Xishood; sheex; xil ka bax. 2. ld yaxyaxid.
yaxyax (2) Qof ceeb weyn dareemid.
yaxyaxi Ka y.: khajil iyo xishood cid gelin.
yaxyaxid eeg yaxyax². ld yaxyax¹ (2).
yaxyaxin eeg yaxyaxi.
yeber Y. ah: ilmo isku hooyo ah kan ugu yar; gurudambays.
yed (1) ld yad¹.
yed (2) ld yad² (3).
yedid eeg yed².
yeeg Turub hal dhibic leh oo ka sarreya baashiga. ld yake (2), yeeke.
yeeg-bibanji ld yeeg-bibiish.
yeeg-bibiish Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talag-galay dhinac hal dhibic ku leh, dhinaca kale-na shan dhibcood. ld banji-biyeeg, biish-biyeeg, yeeg-bibanji.
yeeg-bicaddaan Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talag-galay dhinac hal dhibic ku leh, dhinaca kalena ka cad. ld caddaan-biyeeg.
yeeg-bidooh Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talag-galay dhinac hal dhibic ku leh, dhinaca kalena laba dhibcood ku leh. ld dooh-biyeeg.
yeeg-bijoohaar Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talag-galay dhinac hal dhibic ku leh, dhinaca kalena afar dhibcood ku leh. ld joohaar-biyeeg.
yeeg-bisaliim Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talag-galay dhinac ku leh hal dhibic, dhinaca kalena saddex dhibcood ku leh. ld saliim-biyeeg.
yeeg-bishiish Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talaggalay, dhinac ku leh hal dhibic, dhinaca kalena lix dhibcood. ld shiish-biyeeg
yeegtiis Bisha ku dhammaata kow iyo soddon.
yeeke ld yeeg.
yeel (1) Qeeb ceel biyo looga cabbo sida wadaan, dawli iwm.
yeel (2) Y.-kay, y.-kaa: arrintay, arrintaa iwm.
yeel (3) 1. Xarig dheer oo loo isticmaalo awrta rariddeeda oo isaga gudba awrka dhinacyadiisa, dabagelisna leh. 2. Inta xarig ah ee ka samaysan harag.
<< < 1574 1575 1576 1577 1578 1579 1580 1581 1582 1583 1584 > >>

 

Exit mobile version