jaqal Daanka dadka xaggiisa hoose. ld jiqil.
jaqaqari (bot.) Dhir roob iyo xareed badan heshay oo laamo curdun ah iyo caleen hamash ah leh.
jaqi Ilmo yar caano ka jalin. Tus. “Canuggii bay jaqisey.”
jaqid eeg jaq².
jaqin eeg jaqi. ld jaqis.
jaqis ld jaqin.
jaqle Cudur maqasha laaya.
jaqsii Wax nuujin.
jaqsiin eeg jaqsii.
jar1 1. Ariga intiisa cayillan ee laga ganacsado. 2. Roobka j. ah: roobka ugu horreeya guga. 3. (-rar, m.l) Qarka gawgiisa. jar2 Ciyaar fadhiga lagu dheelo sida shaxda iwm. ld jare (3). jar3 1. Wax goyn. 2. Ciyaar turub haad la degey midkii lagu booleeyey ku qabasho. jar-iskatuur ld jar-iskaxoor.
jar-iskatuurnimo ld jar-iskaxoor-nimo.
jar-iskaxoor J. ah: qof khatar isku dhextuura, oo aan ka fekerin cawaaqibka dambe. ld jar-iskatuur.
jar-iskaxoornimo Jar-iskaxoor ahaan-sho. ld jar-iskatuurnimo, qar-iskatuur-nimo, qar-iskaxoorni.
jaraa'id eeg jariidad.
jarabbar1 Qaabka loo leyliyo fardo iwm. jarabbar2 Fardo iwm laylin. jarabbaran Wax la layliyey ahaansho.
jarabbarid eeg jarabbar².
jarabbarnaan eeg jarabban. ld jarabbarnaansho.
jarabbarnaansho ld jarabbarnaan.
jaraf 1. Gabar yar oo dhawaan la gudey timaha u soo baxa. 2. Haruubka, dhiisha iwm salkooda hoose.
jaran1 Wax la jaray noqosho. jaran2 Wax la jaray ahaansho. jaranjar ld jaranjaro.
jaranjaro 1. Dhagxaan shamiintaysan, kala hooseeya oo aqallada lagu fuulo ama looga soo dego. 2. Laba tiir oo cagasaarro badani isu hayaan oo dhismayaasha lagu fuulo ama looga soo dego. ld jaranjar.
jaraqabad J. ah: faras iwm oo fuulimaadka la baray.
jararaac1 ld halraac¹.
page : 17 of 53
<< < 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 > >>