Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: boolicun
madalbaajis  ld madalbaajin.
madalhufi  Qof marin habaabin.
madalhufin  eeg madalhufi. ld madalhufis.
madalhufis  ld madalhufin.
madalsad  ld madalsasho.
madalsan  Qof ballan cid la dhigtay ahaansho. ld madashan.
madalsanaan  eeg madalsan. ld madalsanaansho (2), madashanaan, madashanaansho.
madalsanaansho  eeg madalsanow. ld madalsanaan.
madalsanow  Qof cid ballan la galay noqosho. ld madashanow.
madalsasho  eeg madalso. ld madalsad, madashad, madalsi.
madalsi  ld madalsasho.
madalso  1. Meel shir ah arrin ka soo jeedsasho. 2. Cid ballansasho. ld madasho.
madan  1. Wax dhagax lagu arjimay ahaansho. 2. Wax dhawaaqiisa la jiiday ahaansho (xaraf). ld medan.
madane  ld maddane.
madar1  1. Tooxo yar oo buuro u dhexeysa. 2. Nooc bulukeetiga ka mid ah oo ka samaysan dhoobo iyo caws la isku qallajiyey. madar2  ld madal¹. madashad  ld madalsasho.
madashan  ld madalsan.
madashanaan  ld madalsanaan.
madashanaansho  ld madalsanaan.
madashanow  ld madalsanow.
madasho  ld madalso.
madax1  1. Oogada qaybta sare ee nafleyda. 2. Maskax, laab, caqli. 3. Baab. 4. Koox, qayb. 5. Dhool (roob); garab; saylaan. 6. Bayd faal, dhinaca qofka faalka dhigaya soo xiga ma ahee dhinaca kale. madax2  Qof meel ama dad u sarreeya; duq waayeel. madax-adag  Qof aan wax laga dhaadhicin karin ahaansho.
madax-adayg1  Wax ka dhaadhicid la'aanta qof ku sugnaado, garmaqaatenimo. madax-adayg2  1. Ka m.: wax samayntooda diidid. 2. Ku m.: wax ku adkaysasho. madax-adaygid  eeg madax-adayg².
madax-adhaxley  (c.nafl.) Faylam hoosaad ka tirsan adhaxleyda oo xubnaha ka tirsan oo dhani ay yaryaryihiin, dirxiga ayey u egyihiin, waana xayawaan biyood ku nool ciidda. Astaamahooda waxa ka mid ah a) Maskax ma leh, b) qalfoof lafeed ma leh. Tusaale: amfiyooksas. ld madax-araxley.
madax-adkaan  eeg madax-adag. ld madax-adkaansho.
page : 17 of 131
<< < 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 > >>

 

Exit mobile version