Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: dabaylwac
dhuudhuule  Qudde.
dhuudhuumasho  ld dhuundhuu- masho.
dhuudhuumashow  ld dhuundhuu- mashow.
dhuudhuumo  ld dhuundhuumo.
dhuug1  Cayayaan ay fowfowlaha isku bahyihiin, leh af dhuuban oo uu dhiigga xoolaha kaga nuugo, geeluna dhukaanka ka qaado. dhuug2  1. Biyo iwm afka ama qalab kale, ku soo jiidid. 2. Sigaar cabid. ld dhuuq. dhuuge  Geed-gaab aan qodax lahayn oo dhirta daawada ka mid ah.
dhuugid  eeg dhuug². ld dhuugis, dhuuqid, dhuuqis.
dhuugis  ld dhuugid.
dhuuji  1. Wax si xoog ah gacanta ugu qabasho. 2. Wax meel ku adkeyn. Tus. “Foostada furka ku dhuuji”.
dhuujin  eeg dhuuji. ld dhuujis.
dhuujis  ld dhuujin.
dhuuki  Si tartiib ah oo gaadmo ku jirto u socosho (nafley).
dhuukin  eeg dhuuki. ld dhuukis.
dhuukis  ld dhuukin.
dhuumaalaysad  ld dhuumaalaysasho.
dhuumaalaysasho  eeg dhuumaalayso. ld dhuumaalaysad, dhuumaalaysi.
dhuumaalaysi  ld dhuumaalaysasho.
dhuumaalayso   1. Dhuu mashow cayaarid (qof). 2. Gag- gabbasho; dhuundhuumasho.
dhuumaashow  ld dhuumashow.
dhuumasho  eeg dhuumo.
dhuumashow  Cayaar carruurtu cayaarto oo hadba inta qaar dhuunto qaarka kale doondoonaan. ld dhuumaashow.
dhuumato  Feer yarada geelu meesha ay ka haysato lafdhabarka hilibka ku yaal; hulkujir.
dhuumo  Meel aan muuqaalkiisa looga jeedin galid (nafley).
dhuumood  Geed dheer, qodxo lahayn, laamo toosan, jilicsan oo dhuun laga dhigto leh.
dhuun1  1. Caano si aad ah u suusacay. 2. Malax. 3. Dh.kayga, dh.kaaga iwm: naftayda, naftaada iwm. dhuun2  1. Tuubada cuntada caloosha geysa; hunguri. 2. Bir, caag iwm dhexda ka daloola, oo hooraha lagu nuugo. 3. Jid toosan oo dhuuban. dhuun shahwo goyn  eeg dhufaanid.
dhuun-goys  (taar.) Qalab ama aalad loo isticmaal ijiray in dambiilayaasha lagu surgooyo, gaar ahaan waxa laga isticmaali jiray dalka Faransiiska waqtiyadii hore.
dhuun-limf  (dhuumo ..., m.) (c.nafl) Dhuumo u eg aroorayaasha, kuwaasi oo limf ka soo qaada nudaha kuna shuba aroorayaasha waaweyn ee wadnaha gala.
page : 163 of 218
<< < 158 159 160 161 162 163 164 165 166 167 168 > >>

 

Exit mobile version