Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: dabaylwac
dhuunbuur  Buntuq, lix xabbabood qaada oo xabbad-keliyaale u dhaca; dhoombir.
dhuundalool  U dh.: arrin xog-ogaal u noqosho.
dhuundaloolid  eeg dhuundhalool.
dhuundhaban  Neef geel ah wax gowracan ahaansho.
dhuundhas  Dareere ama neef xoog u diisan oo ka soo baxaysa dhuun af-yar kana dhalata nakhaska (qashinka) ay tuurayaan marwaxadaha neefeed.
dhuundhaw1  1. Gowricidda neef geel ah la gowraco. 2. ld dhuundhebid . dhuundhaw2  Neef geel ah gowricid. dhuundhebid  eeg dhuundhaw². ld dhuundhaw¹ (2).
dhuundhuumasho  eeg dhuundhuumo. ld dhuudhuumasho.
dhuundhuumashow  Cayaar carruurtu cayaarto oo hadba inta qaar dhuunto qaarka kale doondoonaan. ld dhuudhuumashow.
dhuundhuumid  eeg dhuundhuun². ld dhuundhuun¹ (3).
dhuundhuumo  1. Dhuundhuumashow ciyaarid (carruur). 2. Isqarqarin; gaggabbasho. ld dhuudhuudhuumo.
dhuundhuun1  1. Hilib aad loo daahiyay. 2. Miro aad u bisil. 3. ld dhuundhuumid. dhuundhuun2  1. Wax bisayldhaaf ah noqosho (hilib). 2. Wax aad u bisil noqosho (miro). dhuungoo  1. Nafley dilid; qurgoyn. 2. Cunaqabatayn.
dhuungoyn  eeg dhuungoo.
dhuuni1  1. Cuntada dadku cuno. 2. Qof cuntada ku mamman. dhuuni2  Qof cunnasiin. dhuunidoon  Qof raadinaaya cunto uu ku noolaado kaliya; hunguridoon.
dhuunirraac  Qof hadba meeshii uu moodaayo in dani ugu jirto isxijiya ee aan ceebta anshaxa iyo dhaqan-wanaagga midna eegin.
dhuunirraacnimo  Dhuunirraac ahaansho.
dhuunqabad  1. Cudur ku dhaca geedka meseggada ama galleyda oo u diida in uu sabuulku baxo. 2. ld dhuunqabasho.
dhuunqabasho  eeg dhuunqabo. ld dhuunqabad (2).
dhuunqabo  1. Nafley ceejin. 2. Cid cunaqabatayn.
dhuuntow  Cudur qanjirrada dalqada ku dhaca; majin; qun.
dhuunxir  Dh. ah: nooc garka ka mid ah oo ka baxa cunaha korkiisa.
dhuunxiran  Xabeebid.
dhuunxirmid  eeg dhuunxiran.
dhuunyaale  1. Nooc ka mid ah dhurde. 2. (-layaal, m.l/dh) Qof cunna jecli awgeed meel walba u gala.
dhuunyeeri  Ruux bixidda ka hor si gaar ah u yeerid (neef geel ah).
page : 164 of 218
<< < 159 160 161 162 163 164 165 166 167 168 169 > >>

 

Exit mobile version