dibbirid eeg dibbir².
dibbirin eeg dibbiri.
dibbirnimo Dibbir ahaansho.
dibbiro Caloosha oo fuurta dabayl gudaheeda ka samaysanta awgeed. ld dibbiryo, dubburyo.
dibbirsamid eeg dibbirsan¹.
dibbirsan1 Wax dibbiray noqosho. dibbirsan2 Wax dibbiray ahaansho. ld dibbiraysan, dibbiryaysan. dibbirsanaan eeg dibbirsan. ld dibbiraysnaan, dibbiraysnaansho, dib- birsanaansho.
dibbirsanaansho ld dibbirsanaan.
dibbiryaysan ld dibbirsan.
dibbiryaysnaan ld dibbirsanaan.
dibbiryaysnaansho ld dibbirsanaan.
dibbiryo ld dibbiro.
dibbiryoo Wax dibbiro hayso noqosho (qof). ld dubburyoo.
dibbiryood egg dibbiryoo. ld dubburyood.
dibbo 1. Dad ama xoolo rugtoodii ka dhixid. 2. Dayax soo bixi waayid. ld dubbo.
dibbood1 Baadi cidla bariday. dibbood2 Xoolo, xeradoodii ka dhixid. dibboodi Wax dibbood ka dhigid.
dibboodid eeg dibbood².
dibboodin eeg dibboodi.
dibdhac1 Daahidda laga daaho ballan iwm. ld dibdhicid. dibdhac2 1. Waqtigii la rabay ka gadaal marid. 2. Heer wanaagsan oo lagu sugnaa hoos uga dhicid. dibdhicid 1. eeg dibdhac². 2. Hoos-u dhac (dhaqaale). ld dibdhac¹, dibudhac, dibudhicid, dibudhicis.
dibed ld dibad.
dibi (dibi/-iyo, m.dh) Labka lo'da.
dibijaano Dhalo weyn oo sal ballaaran iyo af dhuuban leh oo biyaha, qamriga iwm lagu shubto.
dibin Labada cad oo hilibka ah oo ilkaha iyo cirridka korkooda ku yaal, oo afka daboola, ereyadana codeeya middood; bushin; faruur. ld debin.
dibin-siilka (c.nafl.) Xubinta galmada ee dumarka qaybteeda dibadeysa. Laba joog oo faruuryo ah oo kala ah dibnaha waaweyn iyo dibnaha yaryar waxay daboolaan daloolka siilka, daloolka kaadimareenka kintirkana horay bay u leexiyan.
dibindaabyee Wax dibindaabyo u geysasho.
page : 168 of 218
<< < 163 164 165 166 167 168 169 170 171 172 173 > >>