falliir2 Qori, bir iwm in yar oo dhuuban ka jeexid. falliiran1 Wax falliirmay noqosho. falliiran2 Wax falliirmay ahaansho. falliirasho eeg falliiro.
falliirid eeg falliir².
falliirmid eeg falliiran¹.
falliirnaan eeg falliiran². ld falliir- naansho.
falliirnaansho ld falliirnaan.
falliiro Wax falliir ka jeexasho.
fallis1 1. Tartan lagu tartamo qiimakordhin, badeeco la naadinayo. 2. ld fallisid. fallis2 Ku f.: badeeco la naadinayo qiime la gaarsiiyey wax ku kordhin. fallisid eeg fallis². ld fallis¹ (2).
fallooci 1. Dabci xun oo qof dadka ka dhex saarta. 2. F. ah: qof dabci xun oo aan dadka la heshiin karin.
falmid eeg falan². ld faalmid.
falnaan eeg falan². ld falnaansho.
falnaansho ld falnaan.
falnaq (daaw.) Hawl uu fuliyo, ogaanla'aan, xiriirka ugu fudud ee unug maskaxeed iyo muruq. Sidaas darteed dareenka xannunka leh sida irbad mudid waxay keeneysaa dhaqaaq deg-deg ah oo faraha lala boodo inta maskaxdu ayan amar u soo dirin muruqii ay saameysan.
falniin ld falid.
falo Cid beer qodasho, beer falasho.
falooriin (kiim.) Curiye neef ah, aadna u firfircoon midabkiisuna yahay hurdi cagaaran kana tirsan haloojiinada (ururka VII ee tusaha kalgalka curiyayaasha).
falsafad ld falsafo.
falsafada xaqiiqaraadiska (fals.) Falsafad ku salaysan helitaanka xaqiiqada oo ka baxsan mala awaalka.
falsafo 1. Barashada xaqiiqda jiritaanka koonka iyo xeerarkiisa. 2. Wax jira figradda laga qabo. ld falsafad.
falsamaan eeg falsan. ld falsamaansho, falsami, falsamo.
falsamaansho ld falsamaan.
falsami ld falsamaan.
falsamo 1. Farsamo loo sameeyo hab quruxsan oo isha iyo uurku jeclaystaan. 2. ld falsamaan.
falsan Wax si qurxoon oo la jeclaysto loo sameeyey ahaansho.
falti 1. Digada lo'da. 2. Dhoobo adag oo dildillac leh.
falxad Wax la abshireysto oo nasiib wanaagsan.
page : 18 of 73
<< < 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 > >>