Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: dabaylwac
diid1  Wareer lala dhaco tamardarro awgeed. diid2  Tamardarro awgeed la dhicid (qof). diiddan  Codsi, amar, siismo iwm wax ku gacan sayray ahaansho.
diiddanaan  eeg diiddan. ld diiddanaansho.
diiddanaansho  ld diiddanaan.
diiddo  Ku gacan sayridda lagu gacan sayro codsi, amar, siismo iwm.
diiddooy  Neef irmaan oo aan oggolayn in la liso (geel).
diiddow  D. ah: neef irmaan oo aan oggolayn in la liso (lo').
diidid  eeg diid. ld diidis, diidmo.
diidid1  eeg diid². diidid2  (daaw.) Suuxid muddo gaaban oo ay keentay dhiigga maskaxda taga oo yaraaday. diidis  ld diidid.
diidmo  ld diidid.
diidsan  Wax tamardarro awgeed la dhacay ahaansho (qof).
diidsan1  Qof diiddan ahaansho. diidsanaan  eeg diidsan. ld diidsa- naansho.
diidsanaan1  eeg diidsan. ld diidsa-naansho. diidsanaansho  ld diidsanaan.
diidsii  Cid wax nacsiin.
diidsiin  eeg diidsii.
diif  Tamardarro, jiil, daal iwm oo jirka ka muuqda.
diif1  Biyaha iyo qoyaanka kale oo sanka ka yimaada, durey ama hargab dartiis; siin. ld duuf¹ (2). diifayn  eeg diifee.
diifaysan  Wax diifi hayso ahaansho (nafley).
diifaysnaan  eeg diifaysan. ld diifaysnaansho.
diifaysnaansho  ld diifaysnaan.
diifee  Cid diif badid.
diifsasho  eeg diifso. ld diifsad, duufsad, duufsasho, duufsi.
diifso  Diif iska tirid (qof). ld duufso.
diig  ld diiq¹.
page : 174 of 218
<< < 169 170 171 172 173 174 175 176 177 178 179 > >>

 

Exit mobile version