adeeg1 1. Hadal aan qornayn oo cid loo dhiibo si ay cid kale u gaarsiiso, farriin. 2. Shaqa hoosaad laga qabto guryaha iyo xafiisyada oo aan u baahnayn xirfad gaar ah. Tus. “Adeeggii buu diidey”. 3. Waxyaabaha daruuriga ah ee qoys maalin suuqa uga baahanyahay. adeeg2 1. Ka a.: xafiis, guri makhaayad iwm hawl hoosaad ka qabasho. 2. Ka soo a.: waxyaabo daruuri ah ee qoys maalin suuqa uga baahanyahay soo iibin. adeegasho eeg adeego.
adeege Qof dadka u adeega.
adeegid eeg adeeg².
adeego 1. Cunto maalmeed suuq ka soo iibsasho. 2. Hawl keligii qabsasho (qof).
adeegsad ld adeegsasho.
adeegsasho eeg adeegso. ld adeegsad, adeegsi.
adeegsi ld adeegsasho.
adeegso 1. (f.g) Cid adeeg u dirsasho. 2. (f.mg) U a.: wax samayntooda qalab ama wax kale u isticmaalid. Tus. “Baaritaanka dhiigga kombiyuutar ayaa loo adeegsadaa”.
adeegto Haweenay shaqo hoosaad ka qabata guryaha, xafiisyada iwm.
adeer 1. Nin waxa uu u yahay ilmaha walaalkii dhalay. 2. Hab xurmo leh oo qof da'weyn loogu yeero. 3. (u.j) adeerow! 4. (u.j) wiilka aan adeerka u ahayow!; gabadha aan adeerka u ahayey.
adeernimo Adeer ahaansho.
adeeryo Goodirka midkiisa dheddig. ld aadeer.
adhaxle (baay.) Faylam xayawaan oo leh adhax duleed oo ay dhexda ugu jirto xangulle dareen wade, heerarkooda kobcinta qaarkood waxay leeyihiin adhax dabacsan iyo dalool waafiyeed oo u furan dalqada. Waxa jira faylam hooseed, kuwaas oo kan ugu weyn loo yaqaan lafdhabarley. ld araxle.
adi ld adiga.
adiga Magacuyaal tilmaamaya qofka labaad ee kelida ah (lala hadlaha). ld adi.
adinayn (baay.) Mid ka mid ah kuwa ugu muhiimsan beysaska nukliyootaydhada DNA iyo RNA.
adiyo Magacuyaalka qofka labaad oo ka kooban 'adi' iyo 'iyo'.
adkaan eeg adag. ld adayg, adkaansho.
adkaansho eeg adkow. ld adkaan.
adkayn eeg adkee.
adkaysad ld adkaysasho.
adkaysan1 ld adkaysi. adkaysan2 Wax la adkeeyay ahaansho. adkaysasho eeg adkayso. ld adkaysad, adkaysi.
adkaysi1 1. Dhibaato hawl, xanuun, dhabar'adayg u lahaansho; dulqaad. 2. ld adkaysasho. adkaysi2 (daaw.) Awoodda difaaca jirka: waa cabbir adkeysanka jirka uu cudurrada u yeelan karo. adkaysiinyo Dulqaad loo yeesho dhibaato.
adkaysin Karti dheeraad ah oo nafley u yeelato dhibaato, mushkilad iwm.
page : 19 of 1584
<< < 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 > >>