yool

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Degganaansho la'aan nafley ka muuqata. 2. (-lal, m.l) Sal; gun; madhaafaan. Maalintii y.ka: maalinta qiyamaaha. 3. (-lal, m.l) Goob; madal; garoonka gudahiisa meesha kubbadda cagta iwm lagu dheelo.

gun

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. Dad tol yari lagu liido. 2. Dadweyne; tol. 3. Weel halka uu ka unkamo. 4. Jirridda geedka iwm.

madhaafaan

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Heerka wax ugu sarreeya oo ayan moodi karin. 2. Wax qiimo iyo qaayo badan leh. 3. Arrin iwm oo xallinteedu qasabtahay.

ka

Qaabnax: mu.ti.l

Isrogrogga: (kuwa, w)

Macnaha:

  1. bbane. ldkaaf. ka¹ mu.ti.l (kuwa, w) Magacuyaal tilmaame oo lab, oo wax ama cid hadlaha u dhow lagu tilmaansado. Tus. “Ka yimid waa Cali”. ld kan(2).
  2. Qurub lagu isticmaalo falka bidixdiisa ama hortiisa : a) qurub la xiriira meesha laga dhaqaaqay ama wax laga qaaday. Tus. “Balcad ayuu ka yimid”, “Qalin ayuu jeebkiisa ka soo bixiyay”, “Tuulo ka tuulo ayuu nastaa”; b) qurub barbardhigid loo isticmaalo. Tus. “Marka waxaa ka weyn Xamar”; c) qurub la xiriira meel uu fal ka dhacay ama laga gudbayo. Tus. “Kooxdan buu ka cayaarayaa”, “Halkaas buu guri ka dhisay”, “Waddada buu ka tallaabay”.
  3. Qodob magaca lab dib loogu qodbo si looga dhigo wax cayiman. Wuxuuna raacaa magacyada lab oo ku dhammaada b, d, f, l, n, r, s (sh). Qodobkaa waxaa ka farcama: -ga, -ha, -a oo raacaan magacyada kale ee labka ah. Tus. “ nin+ka->ninka, buug+ka->buugga”.

Lamidka: kan

madal

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. Meel dad badani isugu yimid. 2. Ballan. ld madar².
  2. Qof ballamid.