nasnaansho ld nasnaan.
nasniin ld nasniino.
naso Hawl muddo gaaban ka fadhiisasho si daalkeedu u ba'o.
nasraani (dii.) Qof sheegta inuu haysto diinta nebi Ciise.
nasraaninnimo Nasraani ahaansho.
nasri 1. Guul laga gaadho dagaal, arrin iwm. 2. Nabadgelyo iyo barwaaqo.
nasro 1. (muus.) Durbaan yar oo lagu tumo qasaa'idka Nabi ammaanka ah; darbuugad. 2. (muus.) Durbaan tumid iyo qasaa'id Nabi ammaan ah oo wada socda.
nastahan1 N. ah: dhib yar oo aan shiddo badnayn (qof). nastahan2 Qof nastahan ahaansho. nastahanaan eeg nastahan². ld nastahaanansho.
nastahanaansho ld nastahanaan.
nasteex ld naseex.
nasteexayn ld naseexayn.
nasteexee ld naseexee.
nasteexo ld naseexo.
natarik-asiidh (kiim.) Hoore midablaawe ah oo bida, oo dharka iyo jidhkaba cuna. Waa asiidh xoog badan.
natiijo Fal la sameeyo wax ka soo baxa.
nawaaxi Dhulka ku xeeran hadba meesha laga hadlayo.
nawir1 ld nawirid. nawir2 Wax dhalaalaya ka dhigid (wax). nawirid eeg nawir². ld nawir¹.
nax 1. Cabsi iyo welwel kedis ah dareemid. 2. U n.: qof wax wanaagsan la jeclaysasho iyadoo laga xanunsanayo dhib haysata.
naxaas (jool.) Macdan adke ah, dhulka laga qodo, leh midab cagaar ah, dusha lagaga dahaadho xadiidka si uu mirirka uga ilaaliyo, lagana sameeyo qalab badan oo la adeegsado.
naxar Dab aad u kulul.
naxariis Dareen raxmadeed oo cid ku dhasha dhib cid kale haysata darteed.
naxariisad ld naxariisasho.
naxariisasho eeg naxariiso. ld naxariisad.
naxariiso U n.: cid naxariis u gelid.
naxas Maalin ama waqti nuxus ah. ld naxsi².
naxash (naxash/-shyo, m.dh) ld nacash (2).
page : 19 of 35
<< < 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 > >>