caal (2) Harag dheer, balaqsan oo lo'da luqunteeda dhinaca hoose ka laallaada.
caal (3) Lo' ama ido cudur caloosha ka barariya ku dhicid.
caalam ld caalan.
caalami 1. C. ah: wax caalamka oo dhan ka dhexeeya ama wada yaqaan. 2. C. ah: shay tayadiisu aad u wanaagsantahay.
caalaminnimo Caalami ahaansho.
caalan Dunida iyo waxa ku nool oo dhan. ld caalam.
caalgab Ka c.: Karti iyo awood wax lagu qabto waayid.
caalgabid eeg caalgab.
caalhel 1. U c.: arrin xal u helid. 2. Ka c.: cid arrin yeelsiin.
caalhelid eeg caalhel.
caali 1. Neef lo'ah si loo gowraco luquntiisa fidin. 2. Is c.: nafley, wax suuxsan ama liita iska dhigid.
caalid eeg caal³.
caalim ld caalin¹.
caalin (1) (culimmo/culummo, m.dh) 1. Qof aqoon badan u leh cilmiga. 2. Qof muslin ah oo diinta Islaanka aqoon sare u leh.
caalin (2) eeg caali.
caallannimo Caalle ahaansho; nacasnimo.
caalle Qof aad u garaad yar; segeger.
caallir (1) Hurgumidda meel dhaawac ah; fasas; caabuq. ld caallirid.
caallir (2) Meel dhaawac ah hurgumid.
caallirid eeg caallir². ld caallir¹.
caallirsan Meel dhaawac ah wax caallir ah ahaansho.
caallirsanaan eeg caallirsan. ld caallirsanaansho.
caallirsanaansho ld caallirsanaan.
caalqaadad ld caalqaadasho.
caalqaadasho eeg caalqaado. ld caalqaadad.
caalqaado Arrin u hoggaansamid awood la'aan awgeed.
caalsaar (1) Nuujinta neef irmaani uu nuujiyo canug uu dhalay oo meel ku xiran. ld caalsaarree (1).
caalsaar (2) Neef irmaan ilmihiisa oo meel ku xiran nuujin. ld caalsaaree (1).
caalsaarad ld caalsaarasho.
caalsaarasho eeg caalsaaro. ld caalsaarad.
<< < 181 182 183 184 185 186 187 188 189 190 191 > >>