Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: fidmawade
xansaso  ld xansas.
xanshar  1. (u) Jabjab. 2. Buunsho. 3. Xash. 4. Qolof duubaya iniinta qaxwe ah. ld xashar.
xanshashaq1  Hadal hoos la isugu sheego; faq. xanshashaq2   Laba qof faqid. xanshashaqid  eeg xanshashaq².
xanshiri   ld xashiri.
xanshirin  ld xashirin.
xanso   Xog cid ku saabsan sir ahaan u raadsasho.
xantiir1   Qof aan waxba haysan; sabool; cayr. xantiir2   Qof aan hanti lahayn noqosho. xantiirid  eeg xantiir².
xantiirnimo  Xantiir ahaansho.
xanto  1. Xayaabo kor ka soo marta subag la shiilayo. 2. Gufarka hoos fariista subag la shiilay. 3. Ciyaar carruureed hadba kan wax taabtaa cararayo oo ay rayn tahay haddii uu galo yoolka isagoo aan la taaban.
xantoobayn  eeg xantoobee.
xantoobee   Wax xantoobo ku qaadid.
xantoobi   Hal mar sacabka wax ku qaadid.
xantoobin  eeg xantoobi.
xantoobo   In kol shanta farood iyo calaacasha lagu qabto oo lagu qaado.
xantoobsad  ld xantoobsasho.
xantoobsasho  eeg xantoobso. ld xantoobsad.
xantoobso   Hal xantoobo gacanta ku qaadasho.
xanuuji   Cid xanuun badid.
xanuujin  eeg xanuuji.
xanuun1  1. Dareen meel oogada ka mid ahi iska dareento oo ay la kaarto ama dhuuri ula rooro, nabar ku dhacay ama waxyeello kale oo gaartay darteed; kaar; dhuuri; halac; laxaw. 2. Caafimaad iyo fayoobi la'aan; cudur; bugto; jirro. xanuun2   Kaar iwm dareemid; xanuun yeelasho. xanuun bi'iye  (daaw.) Dawo xanuunka bi'isa.
xanuunid  eeg xanuun².
xanuunsad  ld xanuunsasho.
xanuunsan   Wax xanuun haayo ahaansho.
xanuunsanaan  eeg xanuunsan. ld xa-nuunsanaansho.
page : 21 of 60
<< < 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 > >>

 

Exit mobile version