cagabbeel (1) Hanti yar oo la siiyo qof baadi doonay.
cagabbeel (2) Ku c.: qof, baadidoon daal badan kala kulmid.
cagabbeelid eeg cagabbeel². ld cagabbeelis.
cagabbeelis ld cagabbeelid.
cagacad Wax aan kabo xiranayn ahaansho.
cagacaddaan eeg cagacad. ld cagacaddaansho.
cagacaddaansho ld cagacaddaan.
cagadhabad ld cagadhabasho.
cagadhabasho eeg cagadhabo. ld cagadhabad.
cagadhabo Caga dhulka la dhicid.
cagadhigasho eeg cagadhigo.
cagadhigo 1. (f.g) Wax duulaya sida haad, dayuurad iwm dhulku degid. 2. (f.mg) Nafley socota ama caraysan xasilid.
cagaf Cagta geela. ld cuguf.
cagafcagaf (1) Gaari xoog badan, leh lugo rabar ama bir ah oo beeraha lagu falo ama lagu geed qaado.
cagafcagaf (2) C. leh: cod lagu muujiyo meermeeridda.
cagag Weel gun gaaban.
cagaggubyo Kulka cagta nafleydu dareento markay kulaylka qorraxdu ku dhacdo ciidda. ld cagagubad.
cagaggubyoo Cagagubyo dareemid.
cagaggubyood eeg cagaggubyoo.
cagago Nabarro salka carrabka ee dadka iyo geela ka soo baxa.
cagagubad ld cagaggubyo.
cagajiid (1) 1. Socod aayar ah oo wahsi ku jiro. 2. C. ah: si aan caddaan ahayn u diidid wax loo diray. 3. ld cagajiidid. ld ciddijiid¹.
cagajiid (2) Wax si cagajiidnimo ah u samayn. ld ciddijiid².
cagajiidid eeg cagajiid². ld cagajiid¹ (3), ciddijiidid.
cagajiidnimo Cagajiid ahaansho.
cagajugle 1. Dhaar iyo handadaad cid loo jeediyo si loo cabsi geliyo. 2. ld cagajugleyn.
cagajuglee U c.: qof si loo cabsi geliyo dhaar iyo handadaad u jeedin.
cagajugleyn eeg cagajuglee. ld cagajugle (2).
cagasaar Meel la korayo ama laga degayo meelaheeda kala korreeya ee cagta la sii saarto.
cagataallayn eeg cagataallee.
<< < 197 198 199 200 201 202 203 204 205 206 207 > >>