dulfadhiyid eeg dulfadhi. ld dulfadhin.
dulin 1. Cayayaanka yaryar ee xoolaha ku dul nool; qaniin; deriskunnoole.. 2. ld dulmi¹.
dulin-duleed (c.nafl.) Noole dulin ah oo soorihiisa dusha kaga nool. Tus. “Injirta”.
dulin-gudeed (c.nafl.) Noole dulin ah oo soorihiisa ku dhex nool. Tus. “Gooryaan mullaax”.
dulinnimo (c.nafl.) Marka noole uu ku kor noolyahay (dulin dibadeed) ama uu ku dhex noolyahay (dulin gudeed) jidhkanoole kale, kaasi oo uu ka helo wuxuu nafaqo u baahanyahay ayaa loo yaqaan dulinnimo. Dulinnada qaarkood waxyeello badan ma gaadhsiiyan soorahooda, sababta oo ah addii ay dilaan soorahooda waxa dhammaanaya qudkooda, haseyeeshee badankoodu waxay sababaan cudur.
duljoog 1. Wax meel ku sugan la joogid si looga warqabo. 2. Hawl iwm iska dul taagnaan iyadoo aan wax laga qabaneyn. 3. Cid dhaqdhaqaaqeed ilaalin.
duljoogid eeg duljoog.
dulkahoor1 Daruur qof korkiisa curatay oo da'day. dulkahoor2 Daruur qof dushiisa ku di'id. dulkahoorid eeg dulkahoor².
dulkumalable Ilmo geel oo dhicis ah oo iayada oo sidkeedii waxyar ka dhimman- yihiin soo dhashay.
dullaal1 ld dallaal¹. dullaal2 ld dallaal². dullaalid ld dallaalid.
dullaalnimo ld dallaalnimo.
dullaamid ld dillaamid.
dullaamo ld dillaamo.
dullaan1 ld dillaamid. dullaan2 ld dillaan². dullee Qof dulli badid.
dulleyn eeg dullee.
dulleysasho eeg dulleyso. ld dulleysi.
dulleysi ld dulleysasho.
dulleyso Qof si xun oo bani'aadannimada ka baxsan oo uu raalli ka yahay ula dhaqmid.
dulli 1. Xaalad dacdarro, dacas, silic iyo sharaf dhacoo cid'ku sugnaato. 2. D. ah: qof liita oo aan wax xun ka xishoon.
dullinimo Dulli ahaansho.
dulloobid eeg dullow¹.
dullow1 ld dulloobid. dullow2 Dulli noqosho. dulmadow Dawacada jaad ka mid ah oo dhabarka madow.
page : 203 of 218
<< < 198 199 200 201 202 203 204 205 206 207 208 > >>