neeftuur2 Nafley xiiqday neef xooggan sii dayn. ld neefgur². neeftuurid eeg neeftuur². ld neefgurid.
neeqaab Qoriga dakhalku ku qotomo.
neeuroosis (c.naf.) Cudur dhimireed lagu yaqaan isbeddel xagga caadifiyadda taas oo keeneysa dhaqan iyo hab fakar duwan oo qofka silciya.
nefi Ka n.: cid nasasho yar siin.
nefin eeg nefi.
nefis1 1. Meel aan ciriir ahayn. 2. Waqti yar oo hawl laga nasto. ld nafis. nefis2 Hawl muddo yar ka nasasho. nefisid eeg nefis².
neg 1. Wax aan dhaqdhaqaaqayn ahaansho. 2. Wax socdaal ka baaqday ahaansho. 3. Cid niyadda ka deggan ahaansho. ld nag, nagi², negi².
negaadi1 1. Dhaqdhaqaaq la'aan. 2. Socdaal laga baaqdo. ld nagaadi¹. negaadi2 Geeddi ka baajin; dejin. ld nagaadi². negaadin eeg negaadi². ld nagaadin.
negaan eeg neg. ld nagaan, nagaansho, nagi¹, negaansho, negi¹.
negaansho eeg negow. ld negaan.
negayaal (fiis.) Qayb ka mid ah mekaanikada oo la xidhiidha walxo ay saaran yihiin xoogag sidkan ama isku dheelitiran, taasina ay keento in walaxdu ku xawaarayso socod madoorsoome ah ama ay negaato.
negayn eeg negee. ld nagayn.
negee Cid geeddi, socdaal iwm ka baajin. ld nagee.
negi1 ld negaan. negi2 ld neg. negow Wax socod, geeddi iwm ka baaqday noqosho. ld nagow.
nejis ld najaas¹.
nejisad ld najaas².
nejisnimo ld najaasnimo.
netuun Mid ka mid ah meerayaasha aad u fog oo lix jeer dhulka ka weyn.
neyruus 1. Sannad qorraxeedka la tirsado bilowgiisa. 2. Dabbaaldeg la sameeyo sannad qorraxeedka dhammaadkiisa.
nibiri ld neberi.
nicid eeg nac².
nicmad ld nicmo.
nicmee Wax xag kasta ka barwaaqayn. ld nimcee.
page : 23 of 35
<< < 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 > >>