Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: miliilic
qallalnaansho ld qallalnaan.
qallax (1) ld qaldhac¹.
qallax (2) ld qaldhac².
qallaxan ld qallacan.
qallaxnaan ld qallacnaan.
qallaxnaansho ld qallalnaan.
qallayl 1. Qoyaan iyo jileec la'aan. 2. ld qallalnaan.
qallayn eeg qallee.
qalle Waajib waqtigii la samayn lahaa la soo dhaafay oo waa dambe la guto, siiba salaadda iyo soonka.
qallee Qalle gudasho.
qalleyf Aan jilicsanayn; adayg.
qallib (1) ld qallibid.
qallib (2) (bay, -btay) Wax afgembiyid.
qallibaad Rogidda wax siday ahaayeen ma ahee si kale loo rogo ama loo dhaho.
qalliban (1) Wax la afgembiyay noqosho.
qalliban (2) Wax la afgembiyey ahaansho.
qallibid eeg qallib². ld qallib¹.
qallibmid eeg qalliban¹.
qallibnaan eeg qalliban². ld qallibnaansho.
qallibnaansho ld qallibnaan.
qallicid eeg qallac².
qalliin (1) Wax qalid.
qalliin (2) (daaw.) Qayb ka mid ah cilmiga daawada oo ku saabsan xirfadda qalliinka dhaawaca, qaabdarrada xubnaha iyo cudurro kale.
qallixid ld qaldhicid, qaldhocod.
qallooc (1) 1. Qaab dhan u janjeera oo aan toosnayn. 2. Q.ah: hadal aan munaasab ahayn.
qallooc (2) (juqr.) Golxo laga helo haloodka webiga, oo si isdabjoog ah ugu leex leexanaysa dhinac ilaa dhinac, iyada oo samaynaysa laabyo waaweyn markuu webigu ku socdo oo uu qoynayo dhul siman.
qallooc (3) Wax qaabkiisa dhan u janjeerin.
qalloocan 1. Wax qaab toosnayn oo dhan u janjeera leh ahaansho. 2. Hadal wax aan munaasab ahayn ahaansho. 3. Qof aan dabeecad wanaagsan lahayn ahaansho. ld qalloocsan.
qalloocasho eeg qallooco. ld qalloocid.
qallooci Wax qaabkiisa dhan u janjeerin.
<< < 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 > >>

 

Exit mobile version