Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: xuubka saynuufiyal
carraggoo 1. (f.g) Socdaal ugu horrayn. 2. (f.mg) Beer dooxyo u yeelid.
carraggoyn eeg carraggoo. ld carrggoys (3).
carraggoys 1. C. ah: roob xoog badan oo dhulka bohola ka jeexa. 2. Xaro cusub aan degel hore ahayn. 3. ld carraggoyn.
carragguur (1) Ka tegidda carrada nafaqada leh ka tagto dhul, daad, dabayl iwm awgeed. ld carroguur.
carragguur (2) Dabayl, daad iwm awgeed dhul carrada nafaqada leh ka tegid.
carragguurid eeg carragguur².
carraguduud Dhul midabka ciiddiisu cas tahay.
carramadow Dhul midabka ciiddiisu madow u dhowdahay oo beerashada ku wanaagsan. ld carromadow.
carran axmaq, doqon, dhaandhaan, nacas, cascaas, dabbaal.
carranafaqayn Bacriminta dhul digo, daawo iwm lagu bacrimiyo si wax loogu beero.
carranafaqeeye Digo, dawo iwm oo dhulka lagu bacrimiyo.
carrarroog (1) ld carrarroogid.
carrarroog (2) Beer, ciiddeeda burburin kaddibna jilcin.
carrarroogid eeg carrarroog². ld carrarroog¹.
carrasan Dhul saac iyo nur leh oo aan qaniin lahayn.
carraseel ld carroseel.
carrawtiin ld carraabo.
carrayn eeg carree.
carree 1. Wax ciid ku shubid. 2. Geel cusbo siin.
carri ld carro (2).
carris Dhul geednagaar leh oo u dhexeeya buur iyo bannaan.
carro 1. ld ciid (1). 2. ld carri. Dhul; dal; waddan. 3. Ciid cusbo leh.
carrocad Dhul carradiisu caddahay oo aan beer noqon karin.
carrog (1) Biyaha ama caanaha haan ama dhiil la culay carka looga dhaqo.
carrog (2) Haan ama dhiil la culay biyo ama caano carka uga dhaqid.
carrogan Haan ama dhiil la culay biyo ama caano wax carka looga dhaqay ahaansho.
carrogid eeg carrog².
carrognaan eeg carrogan. ld carrognaansho.
carrognaansho ld carrognaan.
carroguur (jool.) Rifanka ama lumista carrada sare, inta badanna waxa sababa falka dabaysha iyo roobka. ld carragguur.
<< < 223 224 225 226 227 228 229 230 231 232 233 > >>

 

Exit mobile version