Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qar-iskaxoor
kamma'id  eeg kamma'². ld kama'id.
kammil  ld kaamil².
kammilan1  ld kaamilan¹. kammilan2  ld kaa-milan². kammilid  ld kaamild.
kammilmid  ld kaamilmid.
kammilnaan  ld kaamilnaan.
kammilnaansho  ld kaamilnaan.
kammudbixi  Ka k.: waran iwm wax ka dusin.
kammudbixin  eeg kammudbixi. ld kammudbixis.
kammudbixis  ld kammudbixin.
kamuun  Nagaar laamo badan, ubaxiisuna guduud iyo caddaan yahay. Wuxuu leeyahay miro dhuudhuuban oo leh iniinyo udgoon oo cunnadana lagu darsado dawana laga dhigto.
kan1  (kaman, m.l) Baruur fuusha kelyaha korkooda. kan2  (kuwan, w) Magacuyaal tilmaame oo lab, oo wax ama cid hadlaha u dhow lagu tilmaansado. Tus. “Waa kan ninka qoray buugga”. ld ka¹. kan3  Dibkabe tilmaame oo magac dib looga qodbo, oo wax ama cid hadlaha u dhow lagu tilmaansado. kanaaf  K. ah: Dibi aan weli xoogaysan oo qiyaastii laba jir ah.
kanaal  Laag ama far biyomareen ah oo beeraha lagu waraabiyo.
kandeela  (fiis.) Summad: Cd. Halbeegga Caalamiga (H.C.) ee itaal iftiimeedka, ku qotoma jihada, dul madow oo ah 1/600,000 mitir laba jibbaaran, heerkulkuna le'egyahay heer barafowga balaatinam, cadaadiskuna yahay 101,325 niyuutan halkii mitir (n/m).
kaneeco  (c.nafl.) Cayayaanka duula nooc ka mid ah oo qaarkeed ay keento cudurro xunxun oo ay duummada ka mid tahay; dhilmaanyo.
kanguuro  (c. nafl.) Naasley lugaha dambe ku socota, uurka ku leh kiish ay ilmaha ku qaadato, oo ku nool Ustaraaliya.
kaniisad  Meel dhisan oo ay masiixiyiintu wax ku caabudaan.
kanjab1  Cudur ku dhaca xoolaha aad u cayila oo burburiya baruurta loo yaqaan kanka. kanjab2  Cayil dartiis u dhimasho. kanjabid  eeg kanjab².
kankamid  eeg kankan².
kankan1  Ur xooggan oo meel ka soo baxa. kankan2  Ka k.: ur udgoon meel ka soo carfid. kankoon  Wax sida kubbadda u wareegsan ama qaab u eg leh.
kankoonsan  Wax wareegsan ahaansho.
kankoonsanaan  eeg kankoonsan. ld kankoonsanaansho.
page : 24 of 73
<< < 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 > >>

 

Exit mobile version