Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: keni
ceelka-aartiis (jool.) Nooc ceelasha ka mid ah oo si joogta ah biyo soo saara; biyahaas waxaa kor u soo saara cadaadis ka yimid biyo fadhiya.
ceelkaggeeye 1. Xilli gu'ah oo roob xoog badan leh da'a. 2. Roob xoog badan oo bartamaha guga da'a.
ceelyeelad 1. C. ah: xoolo ceel aada iyadoon cidi wadin. 2. ld ceelyeelasho.
ceelyeelasho eeg ceelyeelo. ld ceelyeelad (2).
ceelyeelo Xoolo iyadoon cidi wadin ceel aadid.
ceemad Harag sida jawaanka loo tolay oo lagu gurto badarka, alaabta iwm.
ceeqo Godob¹.
ceeriin Miro, hilib iwm oo aan bislaan. ld cayriin, qayriin, qeeriin.
ceeriintahan Nooc ka mid ah libaax badeedka waaweyn, midab madow leh, halis ah oo u eg hambabarrada.
ceerin Wax ceeriin ah ahaansho.
ceernaan eeg ceerin. ld ceernaansho.
ceernaansho ld ceernaan.
ceeryaamo ld ceeryaan¹.
ceeryaan (1) Dhado iyo ciiro isku jira. ld ceeryaamo, ciiryaamo, ciiryaan.
ceeryaan (2) (fiis.) Cuf dhibco biyood ah oo ku jira lakabyada hoose ee gibilka, waxaana u sabab ah uumibiyoodka biyaha isugu rogaya hawada dhexdeeda, taas oo keenta aragtida oo si dhexdhexaaha u yaraata.
cees Ka c.: qof xurmayn, weynayn.
ceesaan (1) Orgi sannad jir ah.
ceesaan (2) Dheddig ari cad oo aan weli curan.
ceesh (1) Cuntada la cuno; quud. ld caysh¹.
ceesh (2) Nafley noolaansho. ld caysh².
ceeshid eeg ceesh². ld cayshid.
ceesid eeg cees.
celcelis 1. Xilliga dabayluhu is beddelaan gu'ga iyo dayrta oo aysan dhan u badan. 2. Isku darka labada lambar ama ka badan oo loo qaybiyo mid ka mid ah, tirada ka soo baxda.
celcelis-joometeri (xis.) C. j.iyeed ee “n” xaddi waa xidid “n” - jibbaarka tarankooda.
celceliska heerka badda (C.H.B.) (juqr.) (C.H.B.) Celceliska heerka badda, marka laga xisaabiyo indhaindhayn badan oo la sameeyay muddooyin isla eg gudahood.
celi 1. Wax soo socda dib u laabid. 2. U c.: wax ciddii lahayd dib ugu geyn. 3. Wax socda hakin. 4. Ku c.: fal hore loo sameeyey mar kale dib u samayn. 5. Iska c.: wax iska difaacid. 6. Ka c.: wax ka reebid.
celin eeg celi. ld celis.
celis ld celin.
celiye Suun dhuuban, jilicsan, xalleefsan, dun guduudan lagu qurxiyay oo gaaddada faraska iyo kooraha isuhaya.
ces Cid xurmayn.
<< < 239 240 241 242 243 244 245 246 247 248 249 > >>

 

Exit mobile version