celi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)1. Wax soo socda dib u laabid. 2. U c.: wax ciddii lahayd dib ugu geyn. 3. Wax socda hakin. 4. Ku c.: fal hore loo sameeyey mar kale dib u samayn. 5. Iska c.: wax iska difaacid. 6. Ka c.: wax ka reebid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh celi ↴
ibadaboole [m.dh] (-layaal, m.l/dh)
Cudur ibta naasaha xoolaha ku dhaca oo caanaha ku celiya. ld ibadaboolo. ibadaboolo
caabbi [Fal Gudbe1/2 | Verb Transitive1/2] (-iyay, -iday/-isay; -iyi)
1. Adakayn, xajin. 2. Iska c.: iska celin. adakayn, xajin
laab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
Maro, bir, warqad iwm dacalladeeda isku soo celin.
ma [qr.we]
1. Qurub tilmaama in ay su'aali
saaran tahay ereyga uu weheliyo. Tus. “Cali ma yimid?”, “Ma Cali baa yimid?”, “Ma waxaa yimid Cali?”, “Ma waad imaanaysaa?”.
2. Qurub tilmaama in ay su'aali saarantahay erayga uu ku nudanyahay. Tus. “Goorma?”, “Inma?”, “Idinma?”, “Kuwama?”. 3. Qurub ka muuqda su'aal ee qof lagu dhiirigelinayo in uu fal sameeyo. Tus. “Maad iska celisid
qofkaa?”.
yaa [e.we]
Maxaad tiri? Ku soo celi!
aalad-kabniin [m.dh] (-do-kabniin, m.l)
(daaw.) Aalad adag oo lagu kabo addimada ama meel kale oo jirka ka mid ah marka ay jabaan ama kala baxaan. Waxay ka sameysantahay balaastig ama faashad lagu qooyey wax loo yaqaan “plaster of Paris” waxaana lagu dhejiyaa meesha jaban si dhaqdhaqaaqa looga celiyo lafaha la isu keenay.
caad [m.dh]
1. Meel dhagax ballaaran oo siman leh oo ciid ku hareereysantahay oo biyaha celisa. 2. C.daas joog/c.daas mar: wax buux ah (weel); qof fiican.
daafac [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-cay, -cday; -fici)
Wax iska celin ama cid kale ka celin. ld difaac². difaac
naasacelis [m.l] (-syo, m.l)
Maro dumarka naasaha ku xidhaan oo dhexda ku leh laba god oo naasuhu geli karaan, dacalladeeduna ku dhamaadaan biro isa sudimi kara; keeshali; rajabeeto.
raadgur [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Wax maqan meesha uu maray doonid. 2. Tuug si uu u soo celiyo wixii uu qaaday sixrid.