Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: waddoohiye
calansaar  Maalinta dowladi calankeeda qaadato. ld calansaarid.
calansaarid  ld calansaar.
calanwale  ld calanhaye.
calanwallee  1. Calan ruxid. 2. Muddo barwaaqo iyo rayrayn ku noolaasho.
calanwalleyn  eeg calanwallee.
calaqaad  Wax calalin; raamsi.
calaqaadid  eeg calaqaad.
calaqad1  Nin madax ka ah ciyaarta mingiska. calaqad2  Haweeney madax ka ah ciyaarta mingiska. calas1  1. C. ah: biyo saafi ah. 2. C. ah: maraq dufankiisu yaryahay. 3. C. ah: midab casaan xigeen ah; maarniin. calas2  1. Biyo ama fuud aan miir ahayn calow galay, qasan. 2. Midabyo isku laban (xoolaha). calasee  1. Dhul qashin ka nadiifin. 2. Biyo calas ka dhigid.
calaseyn  eeg calasee.
calashad  ld calalsasho.
calashi  ld calalsasho.
calasho  ld calalso.
calcalyo  Biyo xareed, saafi ah.
caleemasaar1  U boqridda cid loo boqro in ay bulsho madax u noqoto. ld caleemasaarid. caleemasaar2  Qof in uu bulsho madax u noqdo u boqrid. ld caleensaar². caleemasaarid  eeg caleemasaar². ld caleemasaar¹, caleensaar¹, caleensaarid.
caleemaysad  ld caleemaysasho.
caleemaysasho  eeg caleemayso. ld caleemaysad.
caleemayso  Geed caleen yeelasho.
caleen  1. Geedka qeybtiisa laamaha ka baxda ee u sameysa cuntada. 2. Caleenta geedka shaaha.
caleen-iskudhisan  (bot.) Caleenta iskudhisani waxay leedahay baabaca caleen u qaybsan caleen yarooyin girigirkoodu gaarsiisanyahay aroore caleenta.
caleendhacsad  ld caleendhacsasho.
caleendhacsade  (bot.) Geedka lumiya ama ay ka hoobtaan caleemaha xilliyada qaarkood.
caleendhacsasho  eeg caleendhacso. ld caleendhacsad, caleendhaacsi.
caleendhacsi  ld caleendhacsasho.
caleendhacso  Caleemo iska ridid (geed).
page : 26 of 95
<< < 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 > >>

 

Exit mobile version