Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: geedqaad
magguuraan  1. M. ah: astaan ama wax kale oo jiritaankooda aanu tirmin. 2. Hantida aan socon karin sida beeraha, guryaha iwm. ld magguure.
magguure  Wax aan tirmin.
magguurto  1. Hanti m. ah: hanti aan guurguurin oo deynta lagu qaadan karo, sida beeraha guryaha iwm. 2. Dad si joogto ah meel u deggan oo xoolo dhaqato iyo beeraley isugu jira.
magid  eeg mag².
magli  Billaawe.
magmaag  Dab si uusan u baqtin dambas ku duugid.
magmaagan  Wax dambas lagu duugay ahaansho (dab).
magmaagasho  eeg magmaago.
magmaagid  eeg magmaag.
magmaagnaan  eeg magmaagan. ld magmaagnaansho.
magmaagnaansho  ld magmaagnaan.
magmaago  Dhuxul nool dambas ku duugasho si aysan u demin.
magmag  Ku m.: wax meel daloosha oo ciriiri ah ku riixid.
magmagid  eeg magmaag.
magmakayn  eeg magmakee.
magmakee  Ku m.: wax meel daloosha oo ciriiri ah si xoog leh ugu riixid.
magniisiyam  (kiim.) Summad Mg. Curiye fudud oo bir ah; curiyaha labaad ee ururka II ee tusaha kalgalka curiyayaasha (biro dhul alkaliin). M. waa curiye muhim u ah warshadaha sababta oo ah waxay xubin weyn ka tahay birdhafyada fudud (marka lagu daro aluumiiniyam iyo sink).
mago  Cid mag ka gudasho.
magoog1  1. Tacabka beeraha. 2. M. ah: geed har weyn leh geed-saar ka dulbaxay. 3. Qof aan waxtar lahayn. 4. ld magoogid. magoog2  Daash, geed iwm har u yeelid. magoogid  eeg magoog². ld magoog¹ (4).
magool1  ld magoolayaal. magool2  Geedo caleen bixin xilli aan roob jirin; fufid. ld magooli. magoolayaal  (bot.) Dhir gu'yaal jire ah oo daadiya caleenta xilli gaar ah, dabadeed muddo caleen la'aada, ka dibna magoola. Tus. “Galool”. ld magool¹.
magooli  ld magool².
magoolid  eeg magool². ld magoolin.
magoolin  ld magoolid.
magubte  Walax ka samysan maaddo aan dhaqso dabku u karin.
magudbe1  Qof imtixaan ku dhacay. magudbe2  (nax.) Fal aan lahayn layeele.
page : 26 of 131
<< < 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 > >>

 

Exit mobile version