Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: iimee
cir (1) 1. Samada sare, buluug ah oo ay xiddiguhu ka muuqdaan. 2. Roob.
cir (2) (c.nafl.) Xaddiga cuntada ee qof caloosha ku qaadi karo.
ciraab Hadal xigmad badan oo qoto dheer.
cirbad ld irbad.
cirbad-durid (daaw.) Dawo ku mudid jirka ayadoo la isticmaalayo irbad iyo siriingi, sida badan dawada looga baqayo in ay jajabiso aasidhka caloosha.
cirbadayn ld irbadayn.
cirbadays ld irbadayn.
cirbadee ld irbadee.
cirbadeysan ld irbadeysan.
cirbadeysnaan ld irbadeysnaan.
cirbadeysnaansho ld irbadeysnaan.
cirbadhiib ld ciridhiib.
cirbadhiibsad ld cirbadhiibsasho.
cirbadhiibsasho eeg cirbadhiibso. ld cirbadhiibsad, cirbadhiibsi, ciridhiibsad, ciridhi.
cirbadhiibsi Ku istaagidda faraha fooddooda iyadoo meel sare la tiigsanayo. ld cirbadhiibsasho.
cirbadhiibso Iyadoo meel sare la tiigsanaayo faraha fooddooda ku istaagid. ld ciridhiibso.
cirbar Cirka bartankiisa. ld cirbare.
cirbare ld cirbar.
cirbataag (1) Ku istaagidda faraha fooddooda iyadoo meel sare la tiigsanayo. ld cirbataagid.
cirbataag (2) Iyadoo meel sare la tiigsanaayo faraha fooddooda ku istaagid.
cirbataagid eeg cirbataag². ld cirbataag¹.
cirbataagsad ld cirbataagsasho.
cirbataagsasho eeg cirbataagso. ld cirbataagsad, cirbataagsi.
cirbataagsi ld cirbataagsasho.
cirbataagso Iyadoo meel sare la tiigsanaayo faraha fooddooda ku istaagid.
cirbaxeen Qof aqoon u leh duulinta ama hoggaaminta dayaxgacmeedka. ld cirbixiyeen.
cirbaxeennimo Cirbaxeen ahaansho. ld cirbixiyeennimo.
cirbi Faras, rakuub iwm si uu orodka u dheereeyo cirbaha ku dhufasho.
cirbin eeg cirbi.
cirbixi Wax hawada sare u ganid.
<< < 252 253 254 255 256 257 258 259 260 261 262 > >>

 

Exit mobile version