magungi Nooc mallaayga ka mid ah lahna qaab mas, oo aan la cunin.
maguug 1. Huummaag (qof meel fog jooga). 2. M. ah: xoolo xul ah.
maguuji Wax tuuryo meel ku gaarsiin.
maguujin eeg maguuji.
magwadaag (1) ld magwadaagid.
magwadaag (2) Dad, xeer ahaan, diyada isla bixiya wada qaatana.
magwadaagid ld magwadaag¹.
mahabe (1) 1. Weel aan biyaha ka dusaynin. 2. Ciid aan si fudud biyaha u dhuuqayn.
mahabe (2) (jool.) Dhadhaabaha aan shirqadaha lahayn oo aan biyaha gudbin: tusaale ahaan dhadhaabahaasi biyaha roobka uma oggolaanayaan inay dhex galaan oo ay ka dusaan.
mahad Wanaag qof cid kale u hayo oo ka dhasha abaal loo galay.
mahadceli U m.: cid abaal gashay u mahadnaqid.
mahadcelin eeg mahadceli.
mahadho 1. Dhacdo saamays weyn leh oo aan la illaawi karin. 2. Sheeko.
mahadi Cid abaal ay gashay u shugriyid.
mahadin eeg mahadi. ld mahadis.
mahadis ld mahadin.
mahadnaq (1) 1. Ereyo xushmad iyo qaddarin loo jeediyo cid samafashay. 2. ld mahadniqid.
mahadnaq (2) U/ku m.: cid samafashay ereyo xushmad iyo qaddarin leh u jeedin.
mahadnaqid ld mahadniqid.
mahadniqid eeg mahadnaq². ld mahadnaq¹ (2), mahdnaqid.
mahadsan Wax la mahadiyey ahaansho.
mahadsanaan eeg mahadsan. ld mahadsanaansho.
mahadsanaansho ld mahadsanaan.
mahadsanid Erey qofkii wax wanaagsan sameeya lagu yiraahdo, isaguna uu kolkaas yiraahdo: “Adaa mudan!”.
mahar ld meher.
mahari ld meheri.
maharin ld meherin.
maharsad ld mehersasho.
maharsan ld mehersan.
maharsanaan ld mehersanaan.
<< < 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 32 > >>