Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: maraqsan
cudur-aqoonsi (daaw.) Aqoonsiga cudur oo uu takhtarku ku gaaro: wareysiga bukaanka, astaamaha cudurka iyo baaritaan sheybaar iyo raajo iwm.
cudur-goboleed (daaw.) Cudur sida badan ama sida joogto ah looga helo waddan ama gobol gaar ah.
cudur-raagay (daaw.) Sifo cudur muddo dheer socda; sida badan cudurkaas si kadis ah uma bilowdo. Ereygu waxba kama sheegayo khatarta cudurka. cudurrada galmada (C.G.) m.dh (daaw.) (C.G.) Cudur kasta oo la isugu gudbiyo galmada ama isutagga ragga iyo dumarka. C. g.du waxay ka koobanyihiin: eydiska, xabbadda (waraabow), jabtada, herbiska cawrada.
cudurdaar (1) Sababta uu qof ka sheego waxa arrin ku kalliftay.
cudurdaar (2) U c.: sababta arrin kalliftay sheegid.
cudurdaarasho eeg cudurdaaro.
cudurdaarid eeg cudurdaar².
cudurdaaro Cudurdaar sheegasho.
cudurro-faafa (daaw.) Cudurrada la is qaadsiiyo waxaana cudurrada la isugu gudbin kara: ayadoo la taabto qof buka jirkiis, ayadoo la qaado qalab leh jeermigii cudurka ama ayadoo la neefsado dhibicyo calyo ah oo qufaca ka yimaado iyo neef jeermi sidda.
cudurside (daaw.) Noole ka qaybqaata koritaanka jeermiga qaarkisa cudurrada keena.
cuf 1. Inta walaxdu ka koobantahay maaddadeeda. 2. ld cub 1 (1).
cuf-hawo (c.cimi.) Hawo isku dabeecad ah oo ku gadaaman dhul door ah lana xadaysan mid kale oo ka duwan.
cuf-isjiidad (1) Isa soo jiidashada ka dhexeysa laba walax kasta oo jira.
cuf-isjiidad (2) (fiis.) Ifafaalaha la xiriira xoogga soo jiidashada dhulku uu ku hayo walax kasta oo cuf leh, taalana oogada dhulka.
cufayn ld gufeyn.
cufays ld gufeyn.
cufaysan (1) ld gufeysan¹.
cufaysan (2) ld gufeysan².
cufaysmid ld gufeysmid.
cufaysnaan ld gufeysnaan.
cufaysnaansho ld gufeysnaan.
cufee ld gufee.
cufnaan Layiignimo; cumur.
cufnaan u-eegan (fiis.) Summad: d. Cufnaanta walax oo loo qaybshay cufnaanta biyaha. Cufnaan u-eegan (d) = cufnaanta walaxda (P)/cufnaanta biyaha (P). Mar haddii cufnaanta biyuhu ay le'egtahay 1000 kg/m3, cufnaanta u-eegan ee walaxi waxa le'egtahay 1/1,000 (hal kumaadka) cufnaanta walaxda.
cufnaan-hoorbeeg (fiis.) Qalab lagu cabbiro cufnaanta ama cufnaanta u-eegan ee hoorka.
cufnaanta tirada dadka (juqr.) Xaddiga tirada dadka ee ku nool gobol, tusaale ahaan: Awstiraaliya waxay leedahay xaddi tiro yar oo dad ah.
cug (1) ld cub¹.
cug (2) ld cub²; ld cul.
cugaal Qoryo geedo gaar ah laga soo guray oo weelasha qaarkood lagu culo.
cugan (1) ld cuban¹.
<< < 262 263 264 265 266 267 268 269 270 271 272 > >>

 

Exit mobile version