Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: xuubka saynuufiyal
culays (2) (fiis.) Xoogga uu dhulka ku soo jiidanayo walax ayaa ah culeyska walaxdaas. Culeyska walax waxa lagu helaa mg. taasoo culeysku ku xiran yahay hadba inta uu u jiro xuddunta dhulka. Waxa astaan u ah (w), halbeeguna waa niyuutan (N).
culays-isudhigan (kiim.) Cufka curiyaha ama iskudhiska ku darsami kara ama barabixin kara hal garaam oo haydarojiin ah (ama siddeed garaam oo ogsijiin ama 35.5 garaam oo koloriin) marka falgal kimikaad dhacayo. Culays-isudhiganku wuxu u taaganyahay “awoodda ku-darsamidda” ee walaxda.
culaysi Wax culays saarid; cuslayn.
culaysin eeg culaysi.
culid eeg cul. ld cugid.
culimmo Dad diinta Islaanka wax ka yaqaan, eeg caalin.
culnaan eeg culan. ld cugnaan, cugnaansho, culnaansho.
culnaansho ld culnaan.
cululubad ld cululubasho.
cululubasho eeg cululubo. ld cululubad.
cululubo Go'aan hore loo gaaray, arrin la xusuustay darteed u beddelid.
cululuq Shanqarta ka yreerta caloosha dhaqdhaqaaqaysa ama la dacarfaalayo.
culummo eeg caalin.
culus 1. Wax miisaan weyn leh ahaansho. 2. Arrin muhiim ah ahaansho. 3. Arrin xalkeedu adagyahay ahaansho.
culuun 1. ld cilmi. 2. w. cilmi.
cumaacun 1. Calaacasha iyo dhudhunka meesha ay iska galaan oo jalaqleyda ah. 2. Cagta iyo kubka meesha ay iska galaan; anqaw. 3. Lafaha yaryar ee faraha iyo lugaha middood.
cumaamad ld cimmaamad.
cumeyri ld cumuri.
cumir ld cumur.
cumraysad ld cumraysasho.
cumraysasho eeg cumrayso. ld cimraysad, cimraysasho, cimraysi, cumraysad, cumra.
cumraysi ld cumraysasho.
cumrayso Cimro gudasho. ld cimrayso.
cumri ld cimri.
cumro (dii.) Siyaaro sunna ah oo Kacbada lagu tago oo leh sida xajka xarmasho, dawaaf iyo socod. ld cimro.
cumuqcumuq Hadal diidmo aan caddayni ku jirto.
cumuqcumuqlee Hadal diidmo aan caddayni ku jirto dhihid. ld cumuqcumuqleh.
cumuqcumuqleh ld cumuqcumuqlee.
cumuqcumuqleyn eeg cumuq-cumuqlee.
cumur C. ah: dhir aad isugu dhow oo aan la dhex mari karin; jiq. ld cumir.
<< < 264 265 266 267 268 269 270 271 272 273 274 > >>

 

Exit mobile version