Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: mililikh
calman Wax la calmaday ahaansho.
calmanaan eeg calman. ld calmanaansho.
calmanaansho ld calmanaan.
calmasho eeg calmo.
calmi (1) Dersi; cashar.
calmi (2) Cid dersi siin.
calmin eeg calmi².
calmo Wax si aad ah u jecleysasho.
calool 1. Xubinta dheefshiidka nafleyda oo isku xirta hunguriga iyo xiidmaha. 2. Qaybta jilicsan oo u dhexeysa laabxuunshada iyo gummaarka.
calool-adag 1. Adkeysi iyo dulqaad loo yeesho dhibaato. 2. Naxariis iyo jixinjix la'aan.
calool-adayg (1) ld calool-adkaan.
calool-adayg (2) Ku c.: adkeysi iyo isbeddel la'aan muujin.
calool-engegnaan (daaw.) Xaalad dhigidda saxarada ay aad u yaraato ama saxarada ay aad u adkaato yaraatana ama soo dhaafidda saxarada ay dhib ama xanuun keento.
calool-jilciye (daaw.) Dawo badisa caloolbaxa, ayadoo jilcinaysa saxarada ama dhaqaajineysa xiidmaha.
calool-kusid Qof xumaatada lagu sameeyo aan illaawin; uurkuqaad.
caloolacad Dagaal dad badan ku hoobtay. ld caloolacaddo.
caloolacaddayn eeg caloolcaddee.
caloolacaddee Nafley galgalasho hadba caloosha la soo kor-marinayo samayn.
caloolacaddo ld caloolacad.
calooladaygid eeg calooladayg².
calooladkaan eeg calool-adag. ld calool-adayg¹, calool-adkaansho.
calooladkaansho eeg calooladkow. ld calool-adkaan.
calooladkow Calool-adayg yeelasho.
caloolaweyn 1. (u) Koox dad ah oo hanti mood ah oo badan leh. 2. Marka balagga digirtu ka baxo miliqnimada ee ay iniinyihiisu yaryaryihiin.
caloolbax (1) Saxaro badan, jilicsan oo dulin nafleyda caloosha ka qooma keeno; shuban; dababbax.
caloolbax (2) Nafley saxaro badan oo jilicsan dhigid.
caloolbixid eeg caloolbax².
calooldubasho eeg caloolduubo.
caloolduubad ld caloolduubasho.
caloolduubo Ka c.: wax ka rajo dhigid.
<< < 23 24 25 26 27 28 29 30 31 32 33 > >>

 

Exit mobile version