riixgub2 Qof ama neef xoolaad cudurka riixa ka gubid. riixgubid eeg riixgub². ld riixguub¹.
riixid eeg riix². ld riixis.
riixis ld riixid.
riixmid eeg riixan¹.
riixnaan eeg riixan². ld riixnaansho.
riixnaansho ld riixnaan.
riixo 1. Qof dhan wax u iidasho. 2. Wax dilindilleysasho.
riixtin ld riixdin.
rikaab ld rakaab.
rikoor Qalab codka duuba, oo ku shaqeeya koronto ama bateriyo.
rillayn eeg rillee.
rillee Qof raalli ka dhigid.
rillo Raalli.
rimawarow Dhimasho kedis ah oo ku timaadda idaha baad la'aan awgeed.
rimci Qof jug la siiyay darteed isku laabasho.
rimcin eeg rimci.
rimi Dheddig ilma galeenkeeda ilmo gelin.
rimic 1. Wax lix iyo toban meelood loo qaybiyay meeshood, “1/16”. Tus. Hasha la shireystey rimic iga sii. 2. Dheeraad; suubis.
rimid eeg rin.
rimin eeg rimi.
riminrimo Geedgaab leh caleemo yaryar oo markuu geelu daaqo ka qaado cudur qoorta jebiya.
riminrinco Geedgaab leh caleemo yaryar oo marka uu geelu cuno cudur qoorta jebiyaa ku dhaco.
rimman Nafley dheddig wax rimay ahaansho.
rimmanaan eeg rimman. ld rimma-naansho.
rimmanaansho ld rimmanaan.
rimmay1 Ilmaggaleen; min. rimmay2 Geela ama xoolaha inta rimman. ld rimmayo. rimmaybaarid Baaridda neef dheddig oo lo'ah laga baaro rimmay.
rimmaygacmeed Mino-ku-shubidda neef tabsan lagu shubo mino.
page : 28 of 40
<< < 23 24 25 26 27 28 29 30 31 32 33 > >>