Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qar-iskaxoor
karooro  ld karuuro.
karooto  Nooc qudaarta ka mid ah oo leh bari cas oo cunta lagu darsado; dabacase.
karraani  Qof xafiis, dukaan iwm ka shaqeeya oo wixii qorid u baahan qora.
karrays  Luqunta iyo feeraha lafta u dhexeysa, garbahana kala reebta.
karraysad  ld karraysasho.
karraysi  ld karraysasho.
karrayso  1. Meel dhibaato leh meel ka fiican ka doorsasho. 2. Jirro ka bogsasho.
karreeb  1. (u) Geel dhalay oo ubadka xerada looga reebay. 2. (-bo, m.l) Warqad meel loo qoray koobiga ka hara.
karriin  ld garriin.
karriinlarroor  1. Degdeg badan. 2. Qof degdegsiinyo badan.
karro  Geed-gaab aan qodax lahayn oo miro la cuno iyo laamo laga qoro fandhaalada iwm leh; hamir, himir.
karsad  Badar iwm qashin ka saarasho. ld karsasho.
karsan  Wax la kariyey ahaansho.
karsanaan  eeg karsan. ld karsa-naansho.
karsanaansho  ld karsanaan.
karsasho  eeg karso. ld karsad, karsi.
karshimi  Hilib aad u bislayn.
karshimid  eeg karshin².
karshin1  Hilib aad loo bisleeyey. karshin2  Hilib wax aad loo kariyey noqosho. karsi  ld karsasho.
karsii  Qof wax ku dhib ah in uu ku dhawaaqo u suurtaggelin.
karsiin  eeg karsii.
karso  Wax dab iyo biyo ku bislaysasho.
karti  Awood u suurtaggelineysa qof inuu hawl si fiican u qabto.
kartidarro  Karti yaridda uu qof leeyahay oo u diidda in uu hawl si fiican u fuliyo. ld kartixumo, kartili'i.
kartili'i  ld kartidarro.
kartixumo  ld kartidarro.
karuur1  Tuuridda alaab iwm meel la tuuro. karuur2  Caano geel oo dhanaan.
page : 29 of 73
<< < 24 25 26 27 28 29 30 31 32 33 34 > >>

 

Exit mobile version