lid-jidh-gale (baay.) Borotiin ay soo saaraan qaar ka mid ah unugyada cad cadi (Limfosaytyo), waxaanay ugu jawaabaan soo galitaanka ay jidhka soo gelayaan walxo qalaad (Lid-jidh-dhaliye), si aanay wax dhibaato ah u geysan.
liddi ld lid¹.
lidlogardam (xis.) Fansaarka weydaarka u ah logardamka tiro ama tiro logardamkeedu yahay tiro la isa siiyey. Logardamka caadiga ah, lidlogga ee x waa 10x. Logardamkanabiir idlogga ee x waa ex. Lidlogardam waxa loosoo gaabiya “lidlog”.
lifaaq1 1. Dun yar oo cirbad dulkeed ku jirta. 2. Dokominti la dirayo warqad la raaciyo oo sii kaabaysa dulucda. lifaaq2 (nax.) Qurub lagu kaabo erey salkiisa, si uu u beddelo qiimaha iyo waxqabadka ereygaas; lifaaqyadu waxay u kala baxaan: “horkabe” (ereyga hortiisa ayuu ku lifaaqmaa), “dibkabe” (ereyga dhammaadkiisa) iyo “dhexkabe” (ereyga dhexdiisa). lifaaq3 1. Cirbad dulkeed dun gelin. 2. Ku l.: dokominti la dirayo warqad sii raacin. 3. Maro iwm mid kale ku tolid. lifaaqid eeg lifaaq³.
lifaaqo 1. Cirbad dun gelin. 2. Maro iwm cad yar ku tolasho.
lifato Xilliga ugu dambeeya jiilaalka (diraaca).
lig1 Wax kor u taagan oo toosan oo aan soo laabmayn ahaan; wax likaysan ama liqdaaran. lig2 Wax meel taagid si aysan u dhaqdhaqaaqin. ligan Wax meel taagan oo aan dhaqdhaqaaqayn ahaansho.
ligane1 1. Guud ahaan waa qotome ama sammeeya xaglo qumman. 2. Xarriiq ama sallax ku qotonka xarriiq ama sallax kale. ligane2 (xis.) Xarriiq ama sallax waxaa la yiraahdaa waxa ay ligane u tahay xood haddii ay ku qotonto taabtaha xoodka halka barta ay xarriiqda iyo xoodku ku kulmaan. Tusaale ahaan, gacanka goobo wuxuu ku liganyahay meeriskaa goobo. ligid eeg lig.
ligis Biyo qasan.
liglig1 1. Saabka weelasha loo sameeyo ganaha ka soo taagtaagan. 2. Qoryo iswaydaarsan oo qumbaha afkiisa lagu sameeyo. liglig2 Ruxruxid, dhaqdhaqaajin. ligligid eeg liglig².
lignaan eeg ligan. ld lignaansho.
lignaansho ld lignaan.
lignayt (jool.) (ama dhuxul - dhagaxda kafeega ah) Dhuxul dhagax leh muuqaal qori, oo loo aqoonsanyahay inay ka joogto heerka ee maatar hireedka dhalanroggu ku dhacay. Heerka koowaad oo ay soo martay inta aysan noqon dhuxul-dhagax waa heerka biitka.
lihi Wax qof leeyahay oo aan lala wadaagin.
lihiin 1. Adkaysi, karti. 2. Wax, waxtarkiisu raago.
lihiinsasho eeg lihiinso. ld lihiinsi.
lihiinsi ld lihiinsasho.
lihiinso Ku l.: cid cadaadis saarid.
lihijeclo ld lexejeclo.
liibaan1 Khayr; baraare; guul. liibaan2 Khayr la kulmid.
page : 30 of 46
<< < 25 26 27 28 29 30 31 32 33 34 35 > >>